CABAYS.COM
Shirkii Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia oo Maanta Ka Furmaya Istanbul -Wasiirka Duulista SL Oo Codsiyo Qadimay
February 28, 2015 - Written by Cabays

Cabays (Istanbul – Turkey) –  Shirkii wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkeyga , Shirkan oo la filayo in uu socdo laba maalmood oo kali ah ayaa waxa isku soo horfadhiisanaya xubnaha wasiirada Somaliland ee uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada, Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo xubno ka mid ah dawlada federaalka Soomaaliya ee hore loo kala diray, kuwaas oo wali sii wadaya wada hadalada laba dhan. Warar lagu kal soon yahay ee dhanka waftiga Somalia ayaaa sheegaya in wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland,  Maxamud Cabdi Xaashi uu codsi gooni ah u soo jeediyey wasiirka duulista iyo hawada Soomalia, kaas oo uu ka codsaday in xukumada Somalia u tidhaa oo u shaaciso in Somaliland qaybteedii hawada loo soo celiyey si ay iyadu u maamulato. “……Waxa aad noo samaysaan in aad tidhahdaan Somaliland hawadeedii wey maamulanaysaa, dadkiibaa nagu soo jeeda doorashona wey nagu soo socotaa oo in aan soo noqono ayaanu doonaynaa oo wada hadalada sii wadno’e..” Sidaa waxa laga sheegay masuul ka tirsan waftiga Somalia oo yidhi sidaa waxa nagu yidhi wasiir ka duulista Somaliland oo u socda uun in intaa loo yidhaa.

Hase ahaatee wararkan ayaa sheegaya in wasirkii hore Somalia ee duulistu, Siciid Jaamac Qoorsheel ka diiday codsigaas, isla markaana ku adkaystay in codsigu u muuqdo mid shuruud ee ay kuwada hadlaan Istanbul, isla markaana aanay shaacin karin wax ayna ogolaan ama jirin. Wsiirkii hore ee duulista Somaliya ayaa wali hagaya wada hadalada dhanka arimaha hawada.

2da madaxweyne oo Djibouti ku kala saxeexday heshiisyo

2da madaxweyne oo Djibouti ku kala saxeexday heshiisyo

Wararka kale ee laga helayo waftiga Somaliland ee Istanbul ayaa la sheegayaa in ay isku qabaan kharashka shirka, halka Somalia la sheegay in ay Turkiga u marti yihiin,  isla markaana ay dawladu Turkey-gu aanay qabin wixii kharashaad ah, sida huteelada, tigidhada iyo kharashka kale ee ku baxaya socdaalka, taas oo ka dhigaysa in wada hadalada Somaliland ay dhankeeda ku baxaan lacago badan, sida iyadoo oo la sheegay in ay jiraan shaqsiyaad aan ka mid ahayn waftiga oo Istanbul yimid iyo xubno saxaafada ka mid ah oo wasiirka madaxtooyada Somaliland si gaara u bixinayo kharashkooda si ay isaga uga warqaadaan, sidii horeba u dhacday doorkii hore iyagoo isku dayaya in ay bulshada Somaliland ka iibiyaan wada hadalada Somalia oo u muuqda kuwo aanay waxba ka soo baxayn Somaliland u dan ah.

Wararka laga helayo dhanka waftiga Soomaaliya ayaa sheegaya in waftiga Somaliland aad uga walaacsan yihiin wixii ay kula noqon lahaayeen Somaliland, isla markaana ay soo qadimayaan codsiyo ay doonayaan in hadalada ay siidaynayaan aanay noqon kuwo dadka Somaliland aan ku soo jeedin ama ka horkeenin.

 

La soco wararka Istanbul wixii ka soo kordha

 

Axmed Nuur Cali

Cabays – Istanbul -Turkey

 

 

COMMENTS