CABAYS.COM
Siyaasi Maxamed Cumar Carte ma iska casilay xilkii Xamar mise wali waa xildhibaan?
October 25, 2020 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Siyaasiga & Siyaasada)  – Dadweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa is weydiinaya dib ugu soo noqoshada siyaasi Maxamed Cumar Carte oo ku dhawaad toban sano kaga maqnaa dhinaca magaalada Xamar oo uu ka soo noqday Raysalwasaare-xigeen iyo xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu afartii sano ee ugu dambeeyey xubin ka ahaa, in uu wali yahay xildhibaan golaha baarlamanka Soomaaliya iyo in kale iyo sifaha uu dib ugu soo noqday Hargeysa oo uu aabihii Cumar Carte Qaalib xanuun u yaal cusbitaal.

 

Sida xogo Cabays Media helay tibaaxayaan, siyaasi Maxamed Cumar Carte waxa uu mudo ku siman ilaa saddex bilood ka hor raajicinayey in xukumad Somaliland uga soo jawaabto codsu iyo ergo hoose oo uu u dirtay si uu ugu soo noqdo magaaladiisi iiyo dalkiis, hase ahaatee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukumadiisa, siiba wasaarada Arimaha Gudaha ee uu wasiirka ka yahay Maxamaed Kaahin Axmed waxa ay mudo ka gows adeygayeen in ay ogolaadaan in uu dalka ku soo noqdo.

Maalintii Khamiistii ee bishan Oktoobar ahayd 22 waxa khadka WhatsApp-ka kula xidhiidhay siyaasi Maxamed Cuamr Cartan wariye ka tirsan Cabays Media isagoo ku sugan magaalada Xamar, waxaanu weydiiyey in uu imanayo Somaliland iyo in kale, waxaanu u sheegay Siyaasi Max’d C. Carte in uu maalmahanba isu diyaarinayey in uu ka soo boxo Xamar.

“Axda ayaan tagayaa, isha Allah” ayuu yidhi siyaasi Maxamed Cumar Carte oo ka gaabsaday in uu faahfaahiyo sifaha uu ku  soo noqonayo iyo in uu iska casilay xilkii xildhibaanimo ee uu ka hayey Xamar iyo in kale. Hase ahaatee xildhibaan ku sugan magaalada Xamar oo isna ka soo jeeda Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa aanu sheegno ayaa yidhi:

“Maxamed Cumar Carte waxa laga aqbalay codsigii uu xukumada Somaliland u dirtay oo ah in uu aabihii oo xanuusanaya soo arko, isna iska casilo xildhibaanimadii, waanu is casilay maanta oo Sabti ah”

Mar aan xildhibaanka Xamar ku sugan sidoo kale weydiinay qaabka uu isku casilay, ayaa noo sheegay oo yidhi “Walaal shir-gudoonka Golaha ayuu warad u gudbiyyey, waxayna ahayd in uu gole weynahana ka hadlo oo sidaa ku macasalaameeyo, laakiin taa looma ogolaan”

Carte2

Screen Shot 2020-10-25 at 20.17.45

Max’d C. Carte oo Hargeysa soo gaadhay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sobobta uu magaalada Muqdisho uga shaacin waayey in uu iska casilay xilka iyo sobobta uu saxaafada ula hadli waayey intii uu joogay Muqdisho iyo  markii uu soo gaadhay Hargeysa oo aan xildhibaankan weydiinay ayaa ku sharaxay sidan.

“Horta Xamar kama hadli karayn oo meeshi Somaliland oo kale ma ah, arimo nabadgalyo iyo in ay wanjalaan ayuu malaha ka baqay, markaa in uu Hargeysa ka hadlayo ayaan filayaa, malaha horta aabihii arag ayuu islahaa”

letter

Warqadii Cafiska loogu fidiyey Max’d C. Carte

Sidoo kale ilo ku dhadhow siyaasi Maxamed Cumar Carte ayaa Cabays Media u sheegay in madaxweyne Muuse Biixi ilaa 10 qof oo uu ku jiro Max’d C. Carte uu mudo uga jawaabin codsiyo cafis ah oo ay soo qorteen iyo ergooyiin odayaal ah oo ay soo dirteen. Hase ahaatee in markii uu siyaasi Maxamed Cumar Carte u soo diray wasaarada arimaha gudaha Somaliland iyo madaxtooyada warqadii uu maalintii Sabtidii oo bishu ahayd 24 ka Oktoobar isku casilay ee uu u gubiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya nuqulkeedii uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isna qoray warqadii uu ugu fidinayey cafiska. Hase ahaatee wararka siyaasi Maxamed Cumar Carte ayaa sidoo kale sheegaya in marka uu iska casilo xildhibaanimada Xamar uu iska yimaad Hargeysa xataa haddii aan Somaliland ka haysan  ogolaansho ama warqad cafis ah, taas oo ay uga digeen xubnihii xaga xukumada JSL uga dhaqdhaqaaqayey.

 

Si kastaba ha ahaatee Cabays Media waxa loo xaqiijiyey in uu Siyaasi Maxamed Cumar Carte hore u soo qortay warqad iuu ku dalbanayo in la cacfiyo, isla markaana uu ka soo guuray ayaa la filayaa in uu saxaafada la hadlo,Somalia Waxay Curyaaminaysa Somaliland,” Maxamed Cumar Carte - Sayruuq News uu la hadli waayo waxa ay sii xoojindoontaa

tuhunada laga qabo in uu wali yahay xildhibaan Soomaaliya ah. Cabays Media waxa uu ku raad joogaa in uu helo nuqul ka mid ah warqada la sheegay in uu u qortay xukumad Somaliland siyaasi Max’d C. Carte ee uu ku dalbaday cafiska.

 

Hore waxa Jam. Somaliland qadiyadeeda xoog uga soo horjeeday xubno caan ah oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Hure Buubaa, Prof Axmed Ismaaciil Samatar, kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay ka noqdeen qadiyadii ay kaga soo horjeedeen JSL, isla markaana ku kala baydhay xisbiyada JSL, sida Waddani iyo Kulmiye.

Dadweynaha Reer Somaliland ayaa aad uga soo horjeeda in siyaasiyiinta inta ay Soomaaliya tagaan si weyna lid ugu noqda qadiyad JSL ay aayar haddana marka ay soo dhamaystaan xilalka ay Xamar ka qabteen, iyagoo dhaawacay qadiyada JSL ay aayar dib ugu soo noqdaan dalka.

La soco warkan oo la filayo in ay wax cusubi ka soo kordhaan.

COMMENTS