CABAYS.COM
Somaliland Oo Diiday Isbahaysiga Cusub
December 24, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeysa)

Somaliland Oo Diiday Isbahaysiga Cusub
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, soo turjuntay, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:-

Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.

Somaliland waxay ku guulaystay inuu ka ilaaliso dhulkeeda iyo xeebaheeda Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso dal kale ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya, waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.”

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, soo turjuntay, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.

Somaliland waxay ku guulaystay inuu ka ilaaliyo dhulkiisa iyo xeebihiisa ka Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso ilaalinta ammaanka xeebihiisa oo dhererkoodu yihiin 850km dal kale.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta

COMMENTS