CABAYS.COM
Suudaan oo xabsiyada ka sii deyneysa siyaasiyiin xirnaa
April 10, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar al-Bashir ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah xabsiga looga siidaayo siyaasiyiinta ku xidhan xabsiyada wadanka.

Warbaahinta ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in go’aankani looga jawaab celinayo baaq ka soo yeedhay xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalka waxa ayna ka mid tahay wadada wadahadalladaqarab ee ka socda dalka.

Waxaa la sheegayaa in siideynta maxaabiista ay xisbiyada siyaasadda u ogolaaneeyso in ka qeyb qaataan wadahadallada looga gol’leyahay in lagu soo afjaro khilaafka ka jira Suudaan.

 

Bilihii la soo dhaafay Dad badan ayaa xabsiyada loo taxaabay xilligii dalka ay ka socedeen mudaaharaadyadii loga soo horjeeday sicir bararkii ka dhacay wadanka.

COMMENTS