CABAYS.COM
Suuriya oo ku eedeeysay Israa’iil inay duqaysay agagaarka Dhimishiq
May 9, 2018 - Written by Cabays

Warbaahinta dowladda Suuriya waxay sheegtay in Israa’iil ay duqaysay saldhigeeda ciidammada militariga ee koonfurta Magaalada caasimmadda ah ee Dimishiq.

Wakaaladda wararka ee Sanca ayaa sheegtay in ciidammada cirka ah ee Suuriya ay soo rideen labo gantaal oo ay Israa’iil kusoo gantay deegaanka Kiswah ee dalkaasi.

Waxay sheegtay in labo qof oo rayid ah lagu dilay halkaasi balse kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya waxay ku warrantay in 9 dagaallamayaal oo daowladda taabacasan weerarka lagu dilay.

Gelinkii hore ee Talaadadii waxaa soo baxayay warar sheegayo in madaafic lagu garaacay xarun milatari oo ku taalla gudaha waddanka Suuriya

Taliye sare oo ka tirsan dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqaynta lala beegsaday saldhig militariga ay ku leeyihiin Suuriya.

Israa’iil wax faafahin ah kama aysan bixinin duqaynta balse mar sii horreysay ayay sheegtay inay joojin doonto waxa ay ku tilmaantay farogelinta militari ee Iran gudaha Suuriya.

Heegaanka Israa’iil ee buuraha Golan Heights

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay ka digeen dhaqdhaqaaqyda aan caadiga ahayn ee ay suuriya ka waddo shacabka ku nool deegaanka buuraha Golan Heights ay isdiyaariyaan nidaamka ay isku difaaci lahaayeenna ay diyaarsadeen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa waxay sheegeen amarka ay ciidamada Israa’iil bixiyeen in la diyaarsado hoygi bamka laga geli lahaa inuu yahay kii ugu horreeyey oo Israa’iil ka soo baxa tani iyo inta uu billaawday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Hase yeeshee Israa’iil ma sheegin iney dagaal qaadeyso iyo inkale, balse waxay sheegtay iney joojineyso waxa ay ku sheegtay “isballaadhinta” ay ciidamada iiraan ka wdaan Suuriya.

Israa’iil ayaa waxay horay u sheegtay iney ururka Xisbullaah ee hubeysan ee ay Iiraan taageerto iney marar badan hub siisay tani iyo marki uu soo billaawday dagaalka suuriya.

Iiraan ayaa waxay garab taagneyd Madaxweyne Asad dagaalka sokeeya ee ka socday suuriya, waxayna suuriya geeysay boqollaal la taliyeyaal ciidankeeda ka mid ah iyo kumannaan miliishiyaad ah oo ay soo tababartay.

Israa’iil buuraha Golan Heights waxay Suuriya ka qabsatay dagaalki llixda maalmood oo dhacay 1967 ee dhexmaray Carabta iyo Israa’iil.

COMMENTS