CABAYS.COM
Taiwan Oo Mar Kale Bogaadisay Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Ay La Yeelatay Somaliland
September 10, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan  Joseph Wu,  ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xafiisyada   ee Dawladda Somaliland ka furatay waddankaasi, waxaanu xusay in xafiiska Somaliland ka furatay dalkiisa uu bog cusub u furayo xidhiidhka labada dawladood.

“Taiwan waa gurigiinii labaad, inaga iyo kuwa aynu isku fikirka nahay waxaan horumarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada.”ayuu yidhi Mr.Wu.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Taiw, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashanayaan mashaariic la xidhiidha Beeraha, Kalluumaysiga iyo Macdanta.

 

Cabays news.com

COMMENTS