CABAYS.COM
Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Ee Gobolka Sool
September 12, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeer ku soo maray aagaga ciidamadda ee deegaamo ka tirsan gobolka Sool.

 

Waxaanu Taliyuhu soo kormeeray goobo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo oo ay kala dhex fadhiyaan ciidamadda qaranku.
Taliye Taani, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee Somaliland.

 

Badhasaabka gobolka Sool, Taliyaha ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo saraakiil kale oo ciidan.

 

Taliyaha iyo Wasiirrada la socdayba ay warbixino ka dhegaysteen saraakiisha ciidamadda ee ku sugan jiidaha fadhiisinka u ah ciidamadda.

 

Cabays news.com

COMMENTS