CABAYS.COM
UK oo markii ugu horeysay dadka codaynaya doorashada laga rabo warqad aqoonsi
February 6, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Dalka boqortooyada Ingriiska oo ka kooban England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland ayaa markii ugu horaysay lagu soo rogay in dadka codaynaya maalinta doorashada ay soo qaataan wax cadaynaya aqoonsi ahaan. Inkastoo qofkata oo codeeya ah hore loo siiduwaan galiyey deegaan hoose ahaan oo doorashadu ku salaysan tahay degmooyin iyo waaxyo deegaan-doorasho, haddana talaabadan in qofka codeeyaha ah la hubiya inta aanu codka dhiiban isagoo sita wax aqoonsi ka mid ah kuwa ay bixiyaan dawladaha afarta dawladood goboleed ee ka mid ah UK iyo ka guud, sida baasaaboorka iwm, ay tahay talaabo cusub oo aan hore u jirin.

Dadka UK ayaan hore u ogolayn in ay qaataan kaardh aqoosni, sida wadamada dunida iyo Yurub oo leh kaadhadh aqoonsi oo dhexdooda dadku iskugu kala safraan bilaa baasaaboor. Xeerkan cusub oo la curiyey sanadkii 2022kii ayaa soo jiitamayey ilaa iyo sanadkii hore ee 2023, haddase waxa uu noqonaya mid dhaqangalaya oo laga rabo in qofkastaa sito wax muujinaya aqoonsiga qofka uu yahay.

Doorashada guud ee UK ayaan la hayn xili cayiman, waxayna dhici kartaa mar kastoo Raysalwasaaruhu ku dhawaaqo in uu doorasho galayo, isla markaana uu boqorka u gubiyo codsi ah in uu ku dhawaaqo in la kala diro golaha baarlamanka ama wakiilada oo doorashada iyo xukumada ku salaysan tahay. Hase ahaatee mudada golaha wakiilada UK ayaa ah mid ilaa shan sano jira, waxayna doorasho hore u dhacday 17kii bishii 12aad ee sanadkii 2019kii, waxayna shanta sano kaga eeg tahay 17ka bisha 12aad ee sanadkan 2024ka taas oo si toos ah markay taariikhdaa gaadho kala diraysa golaha wakiilada oo xukumada iyo mucaaridka ku salaysan yihiin inta kuraas ee ay ku leeyihiin golaja wakiilada oo la yidhaa House of Commons.

Hase ahaatee habkan cusub ee codbixiyeyaasha la weydiinayo wax cadeeya aqoonsigooda iyo in ay yihiin dadkii doorashada loo duwaan galiyey, ayaa keentay buuq badan, waxaana jira dad ka ololeynaya in aanu hirgalin oo dadku diidaan. Waxase jira in dad badan oo kale ay soo dhaweeyeen, maadaama talaabadan ay ku tilmaaneen mid yareynaysa in tirada dadka sida sharcidarada ah ugu codeeya kaadhadhka codaynta oo aan lahayn sawir muujinaya codeeyaha, ahna warqad magac iyo ciwaanka qofku ku qoran yahay.

Iska hubso nooca aqoonsi ee aad haysato haddii aad codeeye UK tahay
Waa astaanta sidii doorashada UK loo kala helay xisbi ahaan.

Habkan cusub ee codeeyaha laga doonayo waxa ay meesha ka saaraysaa dad badan oo inta ay iduwaangaliyaan haddana aan iyagu codayn, loona soo diro kaadhka codaynta balse dad kale iyga iska dhiga oo codeeya, mararka qaarna codkooda loo adeegsado u codaynta xisbi aanay rabin oo qof qoyska ama guri la dagani taageersan yahay, amaba isagu ka dalbado in qof kale halkiisii iyo kaadhkiisii ku codeeyo isagoo u sheega cida loo codaynayo. Tan ayaa keentay muqmaasuq xaga codadka ah oo qoysas badani ku kaceen iyagoo sidaa yeelay.

Warqada duwaangalinta codeeyaha oo aan sawir la’raacin.

UK waxa ay ka mid tahay wadamada dunida ee dadkiisu aamisanayn in ay qaataan waraaqo aqoonsi inta ay joogaan gudaha dalka, isla markaana ay tahay xadgudub xuquuqdooda muwaadinimo weydiinta waraaqo cadaynaya. Hase ahaatee talaabadan doorashada la filayo dhamaadka sanadkan 2024ka waxa uu noqon doonaa mid lagu galay hab cusub oo aanay hore u arag dadka UK, waxaana suurto gal ah in dad badani diidaan u hogaansanaata sharciga dalbanaya in ay iscadeeyaan codbixiyeyaashu marka ay yimaadaan goobaha codaynta.

COMMENTS