CABAYS.COM
Waa Kuma Aasaasihii Telefishanka Caalamiga Ah Ee Shabakadda CNN International?
April 10, 2019 - Written by Cabays

Waa nin ganacasade ah waa nin tiir u ah warbaahinta dalka Marykanka marka la sheegayo, waxa uu leeyahay dhawr shirkadood oo warbaahinood waa nin Milyaneer ah, waxa uu caan ku yahay in uu aasaasay isgaadhsiinta caalamka caanka ka ah ee CNN tas oo loogu magac daray faylasoofkii warbaahinta.

Ted Barrett waxa uu ku dhashay  gobolka HAWAII sannadku markuu ahaa1938 November 19-keedii, taas oo dhib badani ka soo gaadhay aabihii raad weyna ku yeelatay korriinkiisii, taas oo dabeecdiisi raad weyn ku yeelatay, waxa uu guursaday saddex jeer waxaanu leeyahay 5 ubad ah, waxa uu usoo wareegay gobolka kale ee Georgia halkaas oo uu ka galay Kulliyadda Milateriga isagoo jiray 9 sano oo keliya. Waxa uu qalqaalinimo ba’an ka dhex bilaabay kulliyadii, waxaana yaraa toddobaad aan la ciqaabi jirin. Yaraantiis waxa uu bartay dhaqaalaha sannadku markuu ahaa 1956-1959 laakiin ma uu dhamaysan markii uu ka bixi waayay rabshad iyo qulqulato maamulkii jaamcaddu waxa uu go’aan adag ku gaadhay in jaamcadda laga eryo, waana laga eryay.

Waxa uu aad u jeclaa in uu ku tartamo badda dhexdeeda waxaanu ka qayb kalay dhowr tartan had iyo jeerna waxa uu jeclaa waxyaabaha halista gelin kar naftiisa dadka qaar waxay yidhaahdaan waxa ku jirta nooc waalli ah. Waa qofkii ugu horeeyey ee lahaa argtida baahinta war toos ah taas oo uu ku guulaystay aakhirkii kana dhigay adduunyadii tuulo aan war isku seeganayn. Wararkii uu sida tooska ah u siidayn jiray waxa lagu xasuustaa dagaalkii khaliijka ee dhacay 1991-kii iyo burburkii daarihii Maraykan ee sannadkii 2001 ka dhacday New York.

Waxa uu ku tilmaamay siyaasadda Marykanka ee weerarkii Ciraaq mid caqli caruureed ah oo aan ahayn meel nuclear yaallo ee iska kaftan caruureed ah. Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in Isreal ay xoog ku haysato Falastiin oo uu yahay Gumaysi siyaasadda Maraykankuna aanay dhex ka ahayn arrinka u dhaxeeya Falastiin iyo Yuhuudda isaga oo Yuhuudda la safan.

Sidoo kale waxa uu dhalanteed ku tilaamay wax ka qabashada Nukliyeerka dalka Iran haysto iyo sida uu Marykanku u arko arrinkaa isaga ah iyo wada xaajoodka ka socda, sidoo kale waxa uu ku deeqay lacag aan buurayn wax ka qabshada cimilada adduunka ee sii kululaanaysa, waxaanu dhabarka u ritay shirkad warbaahineed oo kacday aabihiina ka masuul ahaa intii aanu is daldalin sannadkii 1963-kii markii dayn badan lagu yeeshay shirkaddii.

Taas oo uu qaab dhismedkeedii soo celiyay kana helay lacag aad u badan kana faa’iiday waxaanu noqday shirkaddii ugu wayneed ee Koonfur Ameerika ku taalay shirkadiisa sannadku markuu ahaa 1970. Intaa ka dib waxa uu soo maray shirkado badan oo war-baahineed laakiin sannadku markuu ahaa 1980-kii ayay dhalatay shirkadda CNN taas oo la hadli jirtay dalka Maraykanka oo keliya waxaanay tartan culus la gashay shirkado dhowr ahaa oo ay ka mid ahaayeen shirkada CBC, ABC, NBC iyo MJM waxanay soo saaraty filmo qiimahoodu gaadhay1.6 Milyaar oo Doollar sannadkii 1985-kii, waxaanay CNN noqotay warbaahin caalami ah oo la hadasha adduunka oo dhan sidoo kale sannadku markuu ahaa 1990-kii waxa uu Tedd aasasay shirkado kale oo ay ka mid yihiin kuwo Sports, Kuwo Filim Cartoons ah iyo kuwo soo saara Barnaamijyada caafimaadka iyo waxbarashada. Tedd Waxa uu maanta ka mid yahay  manta rragga ugu qanisan Marykanka isaga oo la sheego in uu haysto hanti gaadhaysa ilaa 2.2 Milyaar oo dollarka Marykanka ah.

 

COMMENTS