CABAYS.COM
Waa Maxay Sababta In Ka Badan Hal Milyan Oo Reer Faransiis Ah U joojinayaan Cabida Sigaarka
May 29, 2018 - Written by Cabays

France (CabaysMedia):- Waxaa si wayn aad hoos uga dhacay tirada dadka Faransiiska ah ee sigaarka caba maalin kaste, intii u dhaxaysay 2016-2017na waxaa sigaarka joojiyay hal milyan oo ruux, sida ay tilmaamaysodaraasad la sameeyay

Waxaa isbadalay wakhtiyadii sigaar cabidda ee 1970yadiiHoos u dhac noocaas oo kale ahna lama arkin muddo toban sano ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Faransiiska oo daraasaddan samaysay.

Sidoo kale waxaa sigaar cabidda yareeyay da’yarta iyo dadka dhaqaalahoodu hooseeyo.

Tallaabooyinka sigaar cabidda ka dhanka ah ee ay soo rogtay dawladda Faransiiska ayaa loo badinayaa in ay tahay sababta ay sigaar cabiddu u yaraatay.

COMMENTS