CABAYS.COM
Waa noocma hubka iyo gaadiidka laga furtay ciidamada Puntland dagaalkii ay ku hoobteen?
May 16, 2018 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media -(Burco- JSL) Sida ay u warameen ilo xogogaal ah oo warbixino la xaqiijiyey ka helay dagaalkii shalay ee ay fooda isk dareen ciidamada Jamhuuiryada Somaliland iyo ciidamada ururiska ah ee Puntland, waxa khasaare laxaadle la gaadhsiiyey ciidamadii Puntland.

Waxa Cabays Media haley warar xaqiijinaya tirda gaadiidka laga furtau ciidamada Puntland  iyo noocyada ay  kala yihiin.

dagaal

Ciidmada Ururiska ah ee Puntland oo firxad ah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2 Qori oo nooca Shilkaha loo yaqaan oo 3 dhuumoodle ah

 

2 qori oo Suug 2 dhuumoodle ah

4 baabuur oo nooca Broonka loo yaqaan

1  Taangi oo dhawaan Puntland loo keenay

Sidoo kale waxa ciidamada ururiska ahee Puntland laga furtay saanad hubeed ka dib markii ciidamada Jamhuuriyada Somaliland ay u baacsadeen halkii ay ka soo duuleen oo 12km u jirtay goobta ay ku soo weerareen Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Tirada ciidamada ururiska ah ee Puntland oo ay xoojinayaan ciidamo dawlada Turkigu dhawaan tobobar ugu soo xidhay magaalada Muqdisho ayaa ciidamada Somaliland dhirbaaxo weyn ku dhufteen, waxaana Cabays Media loo xaqiijiyey in tirada dhimashadu ay gaadhayso in ka badan boqol.

Tirada dhimashada ciidama ururiska ah ee Puntland ayaa la shegay in kordhisay kadib markii ay laba jeer soo weerareen ciidama Somaliland, isla markaana weerarkii hore ay khasaare sahlan gaadhsiiyeen Ciidamada JSL oo ay ka gubeen hal baabuur, halka uu u gacan galay gaadhi nooca loo yaqaab Beebeega , hase ahaatee ciidamada JSL kaga jawaabeen  gacan bir ah, isla markaana weerarkii ugu weynaa ee ay Puntland soo qaadeen oo dhanka laamida ee Tukaraq meel u jirta 12km ay ka soo duuleen.

 

La soco wixii ka soo kordha wararka dagaalka ciidamada ururiska ah ee Puntland ay isku soo miidaamiyeen ciidamada Gama-diidka ah ee Somaliland.

Tank PTL

Kaaraha laga qabsaday ciidamada Ururiska ah ee Puntland

Saanad

COMMENTS