CABAYS.COM
Waa noocma Jadwalka uu ku socdo heshiiska JSL & Itoobiya?
January 14, 2024 - Written by Cabays

Waxa ay ku socdaan jadwal qaabaysan oo arinba arin ka horeeyo dhamaystirka heshiiska.

1. In hoos loo wada xaajoodo inta heshiis rasmi la gaadhayo – Taana waxa ka mid ah 8 bilood oo la soo dhaafay ayaa hoos la isku shukaaminayey oo qoloba waxay doonayso ay ka doodaysay, keenaysay, walina inta aan qalinka lagu duugin heshiiska rasmiga ah waa la is xodxodanayaa. Itoobiya waxay doonaysaa magaalada Saylac oo ay u aragto dhul ahaan in ay ku xidhi karto tareenka ka yimaad Djibouti khadkiisa, dhul ahaan uga dhow, hase ahaatee dawlada Somaliland waxay u sheegtay in aanay helayn meel ka sokaysa dhanka bari ee Lughaya. Dawlada Somaliland ayaan ogolayn in Itoobiya ka kirayso deegaan badeed ku dhow xuduudeeda iyo dhulka taariikhiga ah ee Saylac iyo nawaaxigeeda.

2.In Ay labada dhinac yeesheen qareeno ama sharci-yaqaano caalami ah oo kala jooga UK iyo USA oo soo dajiya heshiiska labada dhinac, kuna saleeya xeerarka caalamiga ah dalwaduhu heshiisyada ku galaan arimaha saldhiyada bada iwm, taas oo xambaarsan qodobo si cad u qeexaya waxa heshiiska ilaalin kara ama burin kara. Sidoo kale cabirka bada iyo inta bari ama dhul ahaan laga kireeyey Itoobiya iyo waxyaabaha ay ku qaban karto iyo waxyaabaha ka reeban. Sida xogo hoose sheegayaan, waxa aan heshiiska ku jirayn kaluumaysi ganacsi oo ay Itoobiya ka samayso inta cabirka badeed ee loo cayimay iyo isticmaalka dekeda ciidan oo dal kale oo aan ahayn oo ay Itoobiya u sii ogolaato. 20 Km ayaa ah badda, dhulka ama xaga beriga kama badna 2 kiilomitir oo isku wareeg ah oo noqonaya dhulka dekedu leedahay beri ahaan.

3.In marka qodobada heshiiska ay shariciyaqaanadu soo wada dajiyaan in dib ula eegaan Hargeysa & Addis Ababa, deedna dhankooda ka ansixiyaan intaan fagaare la la iman.

4. In Itoobiya muujiso in ay aqoonsanayso Somaliland, iyadoo qaadaysa talaabooyin ay ka mid yihiin booqasho madax sare sida Wasiirka Arimaha Dibada, ahna Rayasalwasaare iyo madaxda ugu saraysa hogaanka Itoobiya in ay booqdaan Somaliland ka hor intaan heshiiska rasmiga ah la saxeexin.

5. In Xukumada JSL keento heshiiska rasmiga ah ee ay isla meel dhigeen shuruudihiisa Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo wada jira, sidii hore u dhacday ee heshkii DPW oo labada gole fadhi iskugu yimaadeen. Tan ayaa ah fursada ugu dambaysa ee xaga JSL in heshiiskaa la diido ama wax laga badalo.

Xigasho: Ilo ku dhadhow inta ka shaqaynaysa qodobada heshiiska.

COMMENTS