CABAYS.COM
“Waa Sharci Daro Xilka Qaadista Laygu Sameyey Mana Waafaqsana Sharciga” – Gudoomiyihii Hore Ee Maxkamada Sare ee Soomaaliya
May 28, 2018 - Written by Cabays

 CabaysCabays Media (Xamar- Soomaaliya) – Guddoomiyihii  Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya, Ibraahim Iidle oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka ka qaaday, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Gudoomiyhii Maxkadamada Sare ee Soomaaliya oo Faraamjo xilka ka xayiibiyey ayaa yidhi:

“Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fadhiisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Ayuu yidhi Gudoomiye Iidle.

Iidle ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Khamiistii ina dhaaftay ee todobaadkan ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in in uu shaqada ay sideeda ku socon doonto.

idle

Hadii Ibraahim Iidle Suleymaan uu ku adkeysto in uu weli yahay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxay arrintu u muuqaneysaa inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku taliyay in ay muhiim tahay hawshan in si hoose loo dhameeyo.

Hadalka guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa khilaaf hor leh ka dhax abuuraya hay’addaha garsoorka iyo madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga jawaabta ay madaxtooyadu ka bixin doonto go’aanka guddoomiye Iidle.

Dhanka kale ninka lagu badalay oo la yidhaa Baashe Yuusuf oo aan waligii maxkamada aan ka shaqayn waayo aragnimona u lahayn herka sare ee garoor, ayaa la sheegay in ay ehel xaga hooyooyinka ah yihiin Raysal Wasaare Khayre.

Nidaamak wax xil u magacaabista ayaa ah mid xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee dano gaar ah yeeshaa ay inta badan madaxweyneyaasha Soomaliya u magcaabaan xilal iyagoo wax awood ah ama saamayn ku lahayn dhanka Somaliland.

COMMENTS