CABAYS.COM
Wakhtiga La Diwaan-gelinayo Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Dhawaaqay
September 10, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Guddiga qaban qaabadda shirweynaha afraad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa fariin u diray ergooyinka la qorsheeyay in ay shirka ka qayb-galaan.

Waxaanay sheegeen in Diwaan-gelinta ergooyinku ay bilaabmi doonto Sabtida soo socota ilaa 30-ka bishan.

 

Faysal Cumar Madar, oo xubin ka ah guddida qaban qaabadda shirweynaha Xisbiga KULMIYE, oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargaysa ayaa si gaara fariinta ugu diray Ergooyinka ka imanaya gobolladda fog-gog sida Sool iyo Sanaag.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS