CABAYS.COM
War culus: Dablaydii dilka Axmaqnimda ah ku dilay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ah oo gacanta lagu soo dhigay
May 3, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL)  Dablaydii dhawaan ku dishay deegaan ka mid ah gobolka Sanaag laba sargaal ee ka trisanaa ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ciidamada Qaranku gacanta ku soo dhigeen. Boqor Buurmadaw oo ka tirsan madax dhaqameedka ka soo jeeda deegaanka lagu dilay labada sarkaal ayaa isna xaqiijiyey qabashada todob nin oo dilkaa geystay.

Boqor Buurmadaw ayaa ka tacsiyadeeyay ciidamada Qaranka JSL iyo ehelkii ay ka baxeenba labada marxuum ee dhintay oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxaanu sheegay in beeshiisu ay go’aan ka qaadatay dhacdadaasi

Boqor Buur madow ayaa waxa uu yidhi “Anagu ka beel ahaan waxaanu go’aan ku qaadanay in inamadaa la soo qabto cadaaladana la horgeeyo, wixii walaalahayo ay ku gancayaana aanu markaa yeelno, waxaanan hada kuugu buushaaraynayaa in hada gacanta lagu hayo oo la qabtay, go’aanka reerku qaatay ayaana sahlay in gacanta lagu soo dhigo, sidaan warka ku hayo intoodii badnayd gacanta ayaa lagu hayaa, shareecadaanay wajahayaan, ciidamada iyo qarankana waan ka tacsiyadaynayaa arinkaa, hawshaasina sidaan ka warhayo waa gabo gabo, anaguna hawshii aanu lahayn waanu qaadanay, dalkuna umaba baahna bandoo iyo milateri lagu wareejo, shacabkana cid wasakhaysani kuma dhex dhuuman karto ” ayuu boqor Buurmadaw oo u waramay muuqaal baahiya Idaacada Bulsho TV uu sheegay.

Dhinaca kale Boqor Buurmadaw ayaa eedo dusha u saaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jam. Somaliland,  Baashe Maxamed Faarax , oo uu ku tilmaamay nin aan daacad u ahayn Somaliland isagoo ku eedeeyay in uu ku tuntay sharcigii ” ….waxa uu Baashe ku tuntay sharcigii iyo xeer hoosaadkii iyo hanaankii dimuqraadiyada, waxaanan u arkaa nin aan hogaamin karin golaha, waxaanan soo jeedin lahaa in loo doorto golaha cid hogaamin karta” ayuu yidhi.

Hadalkan boqor Buurmadow ayaa ku soo beegmay xili masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beeshu ay walaac ka qabeen falka dilka axmaqnimada ah lagu dilay labada sarkaal ee ka soo jeeda Galbeedka Somaliland, iyadoo aanay ahayna markii ugu horaysay ee saraakiil ka soo jeeda Galbeedka Somaliland lagu dilo gobolkada bari, siibana ay dilkaasi fuliyeen niman isku beel yihiin bioqorka.

Dhanka kale, madaxwaynaha Jam Somaliland oo xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyin ka tisran Gobolka Sanaag, dilka dartii, ayaa maalintii shalay ahayd uu fadhi Baarlamaanka JSL uu yeeshayna aanu ka soo bixin go’aan cadi, kadib markii Gudoomiye Baashe uu si deg deg ah u xidhay fadhiga, kaas oo buriyey kalfadhigii, keenayna buuq badan.

Hase ahaate waxa ay u muuqataa in xaaladaa deg dega ah ee madaxweyne Muuse Biixii ku soo rogay ay soo dedejisay soo qabashada dhagar qabayaasha oo baxsada ku jiray.

La soco warkan oo wali iska soo daba dhacaya

COMMENTS