CABAYS.COM
War deg deg ah: Ku dhawaaqistii natiijada horu dhaca ah oo dib loo dhigay mar kale – Sobob?
November 20, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media: Wararkii ugu  dambeeyey ee soo gaadhaya Cabays Media ayaa sheegaya in dib loogu dhigay maalinta bari ah ku dhawaaqistii natiijada horu dhaca ahayd. Dib u dhacan ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay u diyaar garowga ku dhawaaqista oo ay tahy i n ay dhamaan xisbiyada JSL goob joog ka ahaadaan iyo sidoo kale in xili galin hore ah lagu dhawaaqo ahlkii goor fiid ah lag udhawaaqi lahaa.

Waraark Cabays Media soo gaadhaya ayaa sheegaya in aminiga aad loo xoojiyey caasimada Somaliland ee Hargeysa,  iyo magaaooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo markii hore laga cabsi qabay in ay ka dhacaan rabshado ay sameeyaan taageerayaasha Waddani. Hase haatee intii dhacday maalintii Khamiistii ee rabshadaha ahayd wax ay xoojisay nabadgalyada, waxaana bulshada Somaliland u wada guntatay ilaalinta aminiga iyo kala dambaynta.

 

Gudida Doorashooyinka oo mudo kordhin si kale u sheegay

Gudida Doorashooyinka oo mudo kordhin si kale u sheegay

Maanta markii Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland sheegeen in ay ku dhawaaqayaan natiijo horu dhaca ah, waxa la sheegay in musharax xisbiga Kulmiye uu ka codsaday in ay ilaa bari ku simaan, sobobta ayaa lagu sheegay isagoo xidhiidh toos ah la samaynaya, isla markaana uu jiro jawi -wanaagsan abuur u dhexeeya xisbiyada, siiba Waddani iyo Kulmiye.

Dhanka kale waxa jira culimo, aqoon yahano iyo dad aad looga qadariyo Somaliland oo qayb ka noqday isku soo dhaweynta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo ah kuwa tirada ugu badan ka helay doorashadan, inskatoo xisbiga Kulmiye la sheegay doorashadan in uu yahay xisbiga sida weyn ugu guuleystay, tirada uu helayna ay tahay ta keentay tuhnka iyo dareenka uu qaatay xisbiga Waddani oo dalbaday in dib loogu tiriyo codadka deegaamo ay ka mid tahay Gabiley.

Dib u dhaca ku dhawaaqista codadka ayaa iyaduna aan ka maqnayn sobobo dhanka amaanka ah, maadaama dadweyne badani ku soo xoomayaan goobta Gudida Doorashooyinka iyo iyadoo gabalku hore u dhacayo, nawaaxiga xarunta Gudida Doorashooyinkuna ay tahay goob dooxa Hargeysa kaabiga ku haysa oo dad amaanka khalkhalinayaana ay ku soo dhuuban karaan.

Marka lagu dhawaaqo ayaa loo gudbindoonaa madaxweyne Siilaanyo iyo Maxkamada Sare, haddii xibiyada mucaridku dood ka qabaana waxa ay maxkadama u gudbin karaan dacwad ay ku dalbanayaan dib u eegis go’aanka Gudida Doorashada Somaliland.

Guud ahaanba shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibadba waxay aad u sugayaan natiijada rasmiga ah ee doorashadan oo ay maalmihuu ugu dambeeyey soo baxayeen tirooyin dhakafaar ku riday dadweynaha oo kala duwan.

Gudida Doorashooyinka ayaa la filayaa in ugu yaraan cod gaadhaya 75 kun in uu xisbiga Kulmiye guusha doorashadu ku raacday ay ku dhawaaqaan, doorashadii dhacday 13  bishana ay guusha u caleemo saaraan xisbiga Kulmiye.

Gudida Doorashooyinka JSL ayaa ka kooban todoba xubnood oo midi tahay haweenay, waxana soo kala xulay xisbiyada mucaaridk, Goalaha Guurtida iyo Madaxweynaha oo xisbi xaakimka ah.

La soco wararka iyo faalooyinka xaalada doorashada.

 

Cabays Media

Hargeysa – Somaliland

COMMENTS