CABAYS.COM
War Degdeg Ah: Dagaal Culus Oo Galabta Ka Qarxay Degmada Ceel Afweyn
July 27, 2019 - Written by Cabays

Ceel-Afweyn (Cabays Media)- Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag waxa dagaal culusi ka dhex qarxay mar kale beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi muddoda colaaddu ka dhaxaysay.

Abbaaro 3:30pm Galabnimo saacadda Geeska Afrika ayay rasaastu ka bilaabantay duleedka Degmada CeelAfweyn iyada oo gudaha Magaalada laga maqlayo dayaanka rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Wariye ku sugan degmada Ceel-Afweyn oo shabakadda Cabays Media khadka taleefanka ugu warramay waxa uu sheegay in dagaal culusi ka soo cusboonaaday degmada Ceel-Afweyn oo ay hore colaadi ugu dhex taallay beelaha Walaalaha ah ee deegaankaasi ku wada nool.

Illaa imika nooma ay suurto galin in aannu faahfaahin dheeraad ah ka helno dagaalka oo ku dhawaad saacad socda rasaasta iyo madaafiicda tiknikada ahna laga maqlayo gudaha Magaalada.

Wixii warar ah ee kale kala soco Cabays.

COMMENTS