CABAYS.COM
War Degdeg Ah: Gaadhigii Gaarka Ahaa Ee Guddoomiye Cirro Oo Ciidanka Aminigu la wareegay & Sababta Ka Dambaysay?
April 7, 2019 - Written by Cabays

CabaysHargeysa (Cabays Media)– Gaadhigii Gaarka ahaa ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayay ciidamada Amaanka Somaliland la wareegeen kaasi oo aan illaa imika xaqiiqo ahaan loo ogayn waxa ugu weyn loola wareegay.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola warkan oo Shabakadda Shabakadda Cabays heshay ayaa waxa ay tibaaxayaan in Gaadhiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo siday istaafkiisa gaarka ah (Staff) ay tageen xadka Lawya-caddo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti halkaasi oo gaadhiga ay ka soo qabteen ciidamada Ammaanka Somaliland.

Wararkani waxa ya tibaaxayaan in ciidamadu ku doodayaan in gaadhiga ay ku dhex Arkeen Dirays ciidan halka ilaalada Guddoomiyaha ee gaadhiga la socday ay sheegeen in ay ahaayeen dirays kooban oo ay leeyihiin ciidanka Ilaalada Guddoomiyuhu oo hadyad ahaan loogu keenay.

Gaadhiga iyo istaafka saarnaa ayay ciidamadu ku soo xidheen Xarunta Kastamka ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo ilaaladii Gaadhiga la socotay la sii daayay balse gaadhigii ay xukuumaddu la wareegtay.

Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Wixii Warar dheeraad ah kala soco Cabays.com 

COMMENTS