CABAYS.COM
War Murtiyeed rasmi ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Madaxdhaqameedka Somaliland & Kuwa Oromoda oo booqasho ku joogay JSL
December 19, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media- (Hargeys- JSL) War-murtiyeed ku qoroan afka Ingiriisaga ayey si wada jir ah uga soo saareen madax-dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwo qoomiyada Oromada oo booqasho ku joogay maalmahanba dalka.

Warmurtiyeedkan goordhow soo baxay ayaa lagu sheegay in kulano dhax maray labad dhinac ka dib in ay isla qaateen lix qodob oo ka dhashay kulanadoodii intii ay joogeen madax-dhaqameedka Oromadu.

Waxaana  lagu faahfaahiyay waxyaabo ay labada madax- dhaqameed ku heshiiyeen iyo sidoo kale kulamadii ay madax dhaqameedka Oromadu la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, sida Guurti iyo xubno kale.

Warkaasi-na waxa uu u dignaa sidan sigaoo Af-Soomaaliga wariye Cabays Meda ka mid ahi ku turjumay:

15-kii bishan December golaha dhaqanka ee qawmiyada Oromada (Abaa Gadaa),  waxay booqasho ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargaysa, iyagoo ka jawaabayay marti qaad rasmiya oo ay ka heleen madax dhaqameedka Somaliland.

Si loo abuuro xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya dadyawga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Intii ay ku sugnaayeen Hargaysa madax-dhaqameedka Oromadu waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen golaha Guurtidda, madax dhaqameedka Somaliland iyo sidoo kale bulshada rayidka ah.

Weftigan golaha dhaqanka Oromadu waxay fursad u heleen in ay wadahadalo iyo doodo la xidhiidha arimaha amaanka, deganaanshiyaha gobolka, dhaqaalaha, isku gudubka ganacsiga iyo dhaqanka kala  yeeshaan dadka Somaliland.

17-kii isla bishan madax dhaqameedka ka socday qawmiyadda Oromada iyo kuwa Somaliland waxay shirk u yeesheen hudheelka Ambassador ee magaalada Hargaysa.

Kadib doodo dheer waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobadan soo socda:

1: In la abuurro is-dhex gal bulsho iyo kulamo si loo sii xoojiyo xidhiidhka labada bulsho.

2: Labada dhinac waxay isla garteen in bulshooyinka labada dal ay waxyaabo badan wadaagaan, isla markaana loo baahan yahay in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan xakameeyaana dhibaatooyinka guud, oo ay ka mid yihiin faqriga, colaadaha sokeeye,  socdaalka sharci darada ah iyo amaanka gobolka.

3: Labadda dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo lana fududeeyo xidhiidhka dhaqan dhaqaale iyo ganacsiga u dhexeeya.

4: Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen in la sii xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

5: Golaha dhaqanka ee Somaliland waxay u soo jeediyeen dawladda Itoobiya iyo madax dhaqameedka Oromada labadoodaba in ay si wada jira uga shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaaladda iyo colaadaha  loo baahnayn ee u dhexeeya qawmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada dega Itoobiya.

6: Dhinaca kale golaha dhaqanka Oromadu waxay balan qaadeen in ay qaban qaabin doonaan kulan in kulanka kan xigaa uu ka dhaco dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horaysay ee madax-dhaqameed qoomiyada Oromada ay yimaadaan Somaliland, waxayna ku soo beegmeen xili isbadal awoodeed ka dhacay dalka Itoobiya oo qoomiyada Oromadu hogaanka dalkaasi u gacan galay.

Halkan hoose ka akhri war-murtiyeedka oo ku qoran afka Ingiriisiga:

48377632_219621285617207_692537590712107008_n

 

 

COMMENTS