CABAYS.COM
Wargeyska Daily Nation : Kenya Waxa Ay Xidhiidh Diblomaasiyadeed La Yeelanaysaa Somaliland
April 29, 2019 - Written by Cabays

CabaysNairobi- Kenya (Cabays Media)- Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa qorey in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xidhiidh diblomaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya iyo jamhuuriyadda Somaliland.

Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr. Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa.

“Xidhiidh taariikhi ah ayaa naga dhaxeeyey Kenya illaa xilligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhex mara” ayuu wargeyska Daily Nation kasoo xigtay Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya.

Somaliland ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore Nairobi ku qabatay shir arrimaha maalgashiga lagaga hadlayo, shirkaas oo uu furey wasiirka arrimaha dibedda Yaasiin Maxamed Xiir, kaas oo maalgashadayaasha Kenya ku dhiiri-galiyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee jira.

Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa soo hadal qaaday ganacsiga qaadka Kenya oo uu sheegay in wax badan laga macaashayo, isaga oo sidoo kale ku taliyay in shirkadda diyaaradda ee Kenya Airways ay biloowdo duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso Hargeysa.

Wakiilka Kenya ay u igmatay arrimaha Somaliland Mr Githiora ayaa horey uga hawlgali jiray safaaradda Kenya ee Moscow, Ruushka.

Warkan uu wargeyska qoray ayaa imanaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu madmadoow soo kala dhexgalay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, inkasta oo markii dambe labada dowladood ay sheegeen in ay isfaham ka gaareen wixii jiray.

_106638369_monicajuma

COMMENTS