CABAYS.COM
Warka Taiwan & JSL – Ma xidhiidh cusub mise mid kobcay – Maxaase uu JSL u horseedi karaa heshiiskan?
July 1, 2020 - Written by Cabays
Warka Taiwan & JSL – Xidhiidh cusub, mise xidhiidh kobcay, maxaase uu u horseedi karaa JSL
 
Cabays(Cabays Media) London- UK) – Heshiishka ay ku gaadheen caasimada Taiwan ee Taipei, wasiirka Arimaha Dibada JSL & ka Taiwan, waa talaabo horumar dhanka dublamaasiyada ah oo ay qaaday JSL oo doorkan u kobcay heer sare marka la eego sidii uu ku soo socday xidhiidhka Taiwan iyo Jam. Somaliland oo aan dhawaan bilaabmin, balse lahaa heer iyo meel uu ka bilaabmay mudo ka hor.
Xidhiidh aan qoto dheeraan waxa uu dalalka Taiwan & Somaliland u bilaabmay sanadkii 2009-kii, hase ahaatee mudo ayuu hakad galay, waxase uu dib uga bilaabamay labada xafiis ee ay ku kala leeyihiin Somaliland & Taiwan magaalada London. Dib u soo celinta & soo xidhida xidhiidh Taiwan la yeelato Somaliland, waxa aad uga soo shaqeeyey wakiilkii hore ee Somaliland, Amb. Cali Aadan Cawaale oo xidhiidhkii uu la yeeshay xafiiska Taiwan ee 
London, uu suurto galiyey in uu furmo 5tii sano ee ugu dambeeyey xidhiidh aan la shaacin, balse sii xoogeysanayey marba markii ka dambaysay.
 
Inkastoo wasiirka Arimaha Dibada Taiwan, Joseph Wu , oo saxaafada la hadlay Arbacadii  uu sheegay in xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland aanu wali ahayn mid aqoonsi buuxa oo labada dhinac isa siiyeen, maadaama sidoo kale Taiwan iyaduna ay tahay dal uu ku muransan yahay dalka Shiinuhu, haddana xidhiidhka Somaliland & Taiwan oo si shaac ah iyo heshiisyo ay wada galaan waa mid ku soo kordhinaysa daymo cusub oo diiblamaasiyadeed dhanka Somaliland. Kulankan Arbacadii la shaaciyey waxa uu ahaa mid dhacay ku dhawaad saddex bilood ka hor, waxaanse la ogayn sobobta imika loo shaaciyey.
Hore waxa loo ogaa in ay jireen xubno wafti ah oo dalka Taiwan ka socday oo yimi Hargeysa, booqdayna Berbera. Waftigaasi waxa uu qayb ha ahaa ururinta macluumaad ku saaban sida ay tahay Somaliland ka dal ahaa, taasina waa ta keentay in uu soo deg dego heshiis cad oo qodobaysan oo xidhidh ka labada dal qeexaya iyo in xafiisyo la is weydaarsado.
Screen Shot 2020-07-02 at 01.05.14
 
Taiwan mudo in ka badan ilaa sagaal sanoba waxa ay JSL la lahayd xidhiidh too ah, balse aan la nidaamin, waxayna hore u ogolayd in ardayda Reer Somaliland iyo cidii kale ee sidata baasaaboorka Somaliland ay u fiisayso, kuna galaan,wax-ku bartaan, kuna joogaan dalkaas Taiwan. Sidoo kale waxa ay Somailand hore u siisay deeqo waxbarasho oo araday ree Somaliland ah ilaa hadda ay waxku bartaan deeqdii ay u siisay xukumada Taiwan. 

Heshiiskan labada wasiir ku saxeexeen caasimada Taiwan ee Taipei, waa xidhiidhkii hore oo markan la nidaamiyey, loona sameeyey darajo la isku og yahay iyo in xafiisyo wada danaha labada dhinac laga kala furo Taipei & Hargeisa. Talaabada ah in xafiisyo la is weydaarsadaa, waa mid abuuraysa in JSL sidoo kale yeelato fursado magaca dalka Taiwan ee xafiiska ka furta Hargeysa uu abuurayo kalsooni ku abuuranta dalalka kale ee laga yaabee in ay ka maagayaan in ay xafiis ku yeeshaan caasimada Somaliland.
Sidoo kale Taiwan la aragyaaba dalka Maraykankana la arag, waayo waa ilaaliyaha koobaad ee heshiiska cad la galay in uu difaaco haddiiba dalka Shiinuhu isku dayo in uu quwad ku muquumiyo, siyaasada ay qaadato dalka Taiwan waa mid sidoo kale ay ku eegayso indho Maraykan., waana la tuhmi karaa in dhinaca Washington ay Taiwan looga seenyaaleeyey, marka aynu dib u eegno shirkii Djibouti ee Maraykanku u qabtay JSL & Somalia oo laga dheehday in ay jirto siyaasad ka gadisan tii Maraykanka in ay markan soo baxayso, siiba sida uu dhex uga ahaa arinka udhexeeya labadii dal ee 60kii midoobay, haddana sodon sano ka dibna kala noqday ee 1991kii, waa Somailand & Somalia oo haddana wali si u kala lusha.
Sidoo kale dalka Shiinaha ayaa isaguna isha ku hayndoona nooca xidhiidh ee ay JSL la yeelato dalka Taiwan. Ilaa iyo hadda sida muuqata Shiinuhu waxa uu ka soo horjeedaa in JSL uu aqoonsado, sobobo la xidhidha ka dabqaadashada dalalka JSL la dariska ah iyo kuwa kale ee quwada badan, sida Maraykanka. Xidhiidhkan Taiwan iyo Somaliland, cida ay Somalia ka hortagiisa la kaashan doonataa waa dalka Shiinaha oo imika xidhiidh dhow la leh Somalia, kuna leh safaarad iyo wafiir u qaabilsan. Somalia iyo Shiinuhuna waxa ay is tusi karaan in labad dal oo midba dhankiisa ku muransan yahay uu ay isku arki doonaan in ay isku dhan yihiin.
Hase ahaatee Shiinuhu waxba kama badali karo heshiiska Taiwan  & Somaliland, si kastaba. Inkastoo Shiinuhu aanu jeclaysan dal kastoo ilaaqaad la yeesha Taiwan, oo uu inta badan siyaabo aan muquumin ahayn ku daya in uu ugala hoo boxo saaxiib kastoo ay Taiwan yeelato, isagoo adeegsanaya bixin dhaqaale iyo mashaariic horumareed, sida uu dalalka Itoobiya & Djibouti ka yeelay oo kale, kuwaas oo xidhiidhkii koobnaa ee ay la lahaayeen Taiwan gabi ahaanba gooyey markii Shiinuhu mashaariic ay ku qaamoobeen oo balaayiin Dollar ah uu galiyey.
 
Talaabada uu Shiinuhu ka qaadan karo xidhiidhka xoogeystay ee Taipei & Hargeisa, waa ay qiyaasan karaan, umana joojin doonaan waxkastoo Shiinuhu isku dayo.
Screen Shot 2020-07-01 at 17.32.28
 
Taiwan waa dal noocma ah?
 
Taiwan waa dal ay ku nool yihiin ku dhawaad 24 malyuun oo dad ah, waana sidaan hore u xusay uu sheegto dal weynaha Shiinihu, waana jasiirad ku taal duleedka waqooyi-galbeed dhanka dhulweynaha Shiinaha, sidoo kale dhanka waqooyi-bari waxa kaga beegan dalka Japan, halka dhanka koonfureed uu laga beegan yahay falka Filibiin. Taiwan waa dal dhaqaale ahaan horumar weyn ka gaadhay, Somaliland ay ka faa’idaysan karto haddii qorshe yaal wanaagsan loo dajiyo qodobada heshiiska ay Taiwan ku shaacisay ee ay ka mid ka yihiin in ay iska kaashanayaan arimaha ka faa;idaysiga bada JSL, sida kaluumaysiga, horumarinta beeraha, caafimaadka, tacliinta iyo farsamada fidinta macluumaadka ee loo yaqaan ICT ee culuunta kumbuyutarka.
 
Taiwan waa jasiiirad si weyn ugu tiirsan difaaca ciidamo Maraykan ah, inkastoo 15 dal oo qudha u aqoonsan yihiin magacii sanadkii 1949-kii markii uu dagaalkii Shiinaha ee uu guulaystay Shuucigu, lagana adkaaday hogaamoyihii hore ee Shiiinuhu ku dhawaaqay in jasiiradaa la yidhaa Jamhuuriyada Shiinaha (Republic of China), hase ahaatee ilaa iyo ku dhawaaqisteedii sanadkii 1949kii dalal badan uma aqoonsan Taiwan ahaan, taas oo ay sobob u tahay dalwerynaha Shiinaha (Main land China) ee looga taliyo magaalada Beijing oo aduunka ku cadaadiya in aan Taiwan loo aqoonsan dal madaxbanaan oo ayna dawladiisu ka talin.
 
Taiwan sanado badan oo kalitalis ka talinayey ka dib sanadihii sagaashanaadkii (90kii) ayey u guurtay habka xisbiyada badan, waxayna yeelatay dimuquraadiyada aduunka soo jiitay, dhaqaale abuur xoogan iyo in ay hesho xulifo ilaalisa oo uu Maraykanku ugu horeeyo.
Imika wixii ka dambeeya, waa sida xukumada Somaliland heshiiskan iyo xidhiidhka Taiwan ay uga midho dhaliso iyo sida ay ugu lifaaqdo xidhiidho kale oo cusub, kol ay noqdaan xataa wadamada aanay aqoonsanayn kuwa Reer Galbeedku, balse dalka Ruushku aqoonsan yahay, sida Abakhazia iwm.
Gabo gabadii waa mid ay tahay in lagu hambalyeeyo wasaarada Ariamaha Dibad JSL sii ambo qaadida xidhiidhkii Taiwan oo aan ahayn mid sanadkan 2020 ka uun furmay, balse jiitankiisii haatan soo gaadhay meel JSL indhaha caalamka ku soo jeedinaya, Taiwan awgeed.
 
 Qore: C/laahi Maxamed Cali
London -UK
COMMENTS