CABAYS.COM
War Deg Deg ah: Waddani oo aqbalay heshkii shalay & madaxtooyada oo ay xisbiyada iyo xukumadu caawa heshiis ku saxeexanayaan
May 27, 2015 - Written by Cabays

Hargeysa- SL ( Cabays Media) Warar rasmi ah oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in gudoomiye C/raxman Cirro aqbalay in doorashu dhacado bisha 11aad ee sanadki 2016-ka 15keeda, taas oo ah tii uu shalay ka cadhooday markii isla shalayba la saxeexan waayeen dhinacayadii UCID iyo xukumada ee Kulmiye.

Goordhaweyd ayaa koox odayo ah oo dhexdhexaadin iyo isku soo dhaweyn ka hawlgalay ay ogolaasho ka keeneen gudoomiye Cirro in uu aqbalo heshiiskii ay shalay wada galeen, balse aan la saxeexin. Odayada ka hawlgalay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo hayb ahaan gudoomiye Cirro xiga, cadaadisna ku saaray in uu aqbalo wixii uu hore ba u ogolaa balse uu sobob aan miisaan lahayn ku diiday.

Heshiiskan iyo aqbalaadan laga soo xasiliyey gudoomiye Cirro ayaa waxa sidoo kala la isku raacay in caawa todobada ay heshiiska qalinka ku wada duugaan madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiyada qaranka, isla markaana ay ku kulmaan laba xubnood oo UCID ah, laba xubnood oo Waddani ah iyo laba xubnood oo madaxweynuhu ku jiro qasriga madaxtooyada halkaana lagu saxeexo heshiiska.

Xubnaha UCID ayaa la sheegay in uu ku jiro Cali Yusuf – Cali Guray  oo aan madaxweyne Silaanyo ilaa kudhawaad 8 sano aanay isa soo hor fadhiisan, inkastoo warar qaar sheegayaan in uu diiday in uu hortago madaxweyne Siilaanyo, musharaxa madaxweyne xigeenka UCID, C/rashiid Xasan Mataan uu isagu ku wehelin doono Gudoomiye Faysal oo isna arintan meel dhaxe ka ciyaarayey. kana mid ahaa xubnihii gudoomiye Cirro ka daba tagey ee ergooyinka u dirayey ilaa xalay si uu dib ugu soo dabaalo heshiiskii qabyoobay shalay ee Waddani daqiiqadihii ugu dambeeyey diiday.

Halka aan wali la hubin cida gudoomiye Cirro ku wehelindoonta heshiiska madaxtooyada caawa ilaa 7da lagu saxeexayo.

Dhanka kale waxa dalka yimid safiirka wadanka Britain ee Somaliland, Nil Wigan, kaas oo isna dhankiisa wada hadalo arintan la xidhiidha la yeeshay gudoomiyaha Guurtida, C/raman Cirro iyo xubnoi xukumada ah, inkastoo aanu arinkan dib u dabicyey xisbiga Waddani aanu shuqul ku lahayn, haddana imaan shihiisa ayaan ka madhnayn u gurmashada Somaliland ee khilaafka siyaasiga ah ee doorashada ku salaysan.

Haddi uu sidaa ku hirgalo heshiiskani, waxa uu noqonayaa mid la eego  uun sida Guurtidu uga jawaabto iyo talaabada xigidoonta.

 

La soco warkan oo wali wax ku soo kordhayaan oo aanu isha ku hayno.

 

Cabays Media

Hargeysa, JSL

editor@cabays.com

COMMENTS