CABAYS.COM
Wasiirka Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Amnigiisa Dartii Ugu Guuray Gurigii Uu Ka Deganaa Hargeysa
April 25, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media )Wasiirka warfaafinta xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka qaxay aqalkii uu deganaa ee ku yaalay magaalada Hargeysa.
Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa degay mid ka mid ah Hotel-eelada magaalada Hargeysa oo ayna ha haboonayn in la magacaabo amnigiisa awgeed wasiirka ayaa sidoo kale la laban laabay amnigiisa waana shaqsiga Labaad ee xukumadda Somaliland ugu ilaalada culus marka laga reebo madaxweynaha.

Cabsidani iyo is ilaalintani xooggan ee la soo gudboonaatay wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka danbaysay, kadib markii ay hanjabaado iyo hadalo xoogani uga yimaadeen buug uu qoray oo lagu aflagaadada haween iyo dadkaleba.

 

Xigasho: Qarannews.com

COMMENTS