CABAYS.COM
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay ciidamadii la sheegay in Tigray ka dagaalameen ee Eritrea lagu tobo barayey
January 18, 2021 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Wararka oogan) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar” Dubbe oo goordambe saacada Muqdisho ka hadlay TV Qaranka Soomaaliya ayaa beeniyey in ciidamadii Soomaliya loogu tobo barayey dalka Eritrea ay galeen dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray ee ay ku dagaalameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF.

“Waxa nasiibdaro ah in ciidanka dalka laga dhex raadiyo siyaasad,sidaa darteed waxa aan halkan ka cadaynaynaa wararka kuri kuteenka ah, ee been abuurka ah, ee malo awaalka ah, ee laga dayayo siyaasada iyo ganacsigaa ee ah in ciidamo  soomaliyeed oo tobobar u jooga wadamada dibadu ay ka dagaal galeen u waqooyiga Eriteriya iyo Itoobiya haba yaraatee jirin” Sidaa waxa telefishinka Soomaaliya muuqaal uu baahiyey ka yidhi wasiir Cusmaan Dubbe oo u muuqday in uu akhriyey qoraal si taxadir leh loo diyaariyey oo uu ka akhriyey aalad qoraalka socda ee kamarada la hor dhigo (Autocu).

Wasiir Dubbe oo hadalkan uu jeediyey ku beeninayey wararka i nciidamado Soomaaliya oo Eritrea lagu tobo barayey ay galaan dagaalka Tigray, ayaa sidoo kale sheegay in ay jireen warar noocan oo kale ah oo hore lo faafiyey, kuwaas oo lagu sheegay in ciidamo Turkey-gu u tobobarayey uu Liibiya geeyey oo ay ka dagaalameen.

Hase ahaatee ma sheegin in waalintiinta muujiyey walaaca ay ka qabaan caruutooda in ay si gaar ah kala hadlidoonaan iyo in kale, Sidoo kale waxa uu hadalkiisu u dhignaa in uu kaga jawaabayo uun wararka la isla dhex marayo, mana sheegin goorta iyo xiliga ay dhamaysanayaan tobobarka ciidamadii Eritrea hore u geeyeen iyo waxa ay ku dambeeyeyn iyo goorta waalidiintu arki doonaan caruutooda.

Halkan hoose ka dhageyso:

Screen Shot 2021-01-18 at 22.49.21

SOMArm

 

 

COMMENTS