CABAYS.COM
Wasiirka Waxbarashada Somaliya Oo Cambaareeyay Dil Iyo Kufsi Loo Geystay Gabadh Ardayad Ah
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, ayaa sheegay inay Xukuumadd ahaan cabaaraynayaan dil iyo Kufsi Muqdisho loogu gestay Gabadh Ardayad ah.

 

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeedu ka lahaayeen.”.

Kufsiga iyo dilka loo gaysanayo hablaha da’yarta ah ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu soo badanaya deegaanada Soomaalida iyadoo inta badan aanay helin kiisaskaasi cadaalad lagu qanacsan yahay halka qaar kalena ay helaan cadaalad laga cagajiiday mudo dheer.

 

 

Cabays news.com

 

 

COMMENTS