CABAYS.COM
Wafti dawlada Djibouti ka socda oo soo gaadhay Somaliland – maxaay uga soo qadimeen caloomo saarka?
November 30, 2017 - Written by Cabays

CabaysCabays Media: – Doorashadii 13 Noofember ee 2017ka oo xisbiga Kulmiye ku guulaystay ayaa waxa la filayaa in wadamada daneeya arimaha Somaliland ay u soo diraan xubno uga qayb gala caleemo saarka madaxweynaha cusub, Muuse Biixi Cabdi.
Dalka Djibouti ayaa noqday dalkii ugu horeeyey ee doorkan u soo dira wafti todobaadyo ka hor maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub. Ilaa hadda lama garanayo sobobta ay u soo qadimeen.

Warar hoose ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in arimo ay dawlada Djibouti ka doonayso Somaliland uu wakiil uga ahaa ganacsadaha weyn ee labada dal ee Djibouti iyo Somaliland ba sharicga kule, kana ganacsada, Maxamed Aw Siiciid uu ka wakiil noqdo dawlada Djibouti oo uu kala hadlo arimaha madaxweynaha la doortay, hase ahaatee sida Cabays Media loo xaqiijiyey, waxa habeen horee kulan ku dhex maray madaxweynaha la doortay iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid, kulankaas oo la sheegay in lagu kala kacay.

Wararku ma xaqiijin qodobada iyo arimaha rasmiga ah ee ay ka wada hadleen, hase ahaatee waxa la sheegay in qoraal bushqad ku jira uu siday ganacsade Maxamed Aw Siiciid kaas ooa aanu ka aqbalin madaxweynaha la doortay, Muuse Biixi Cabdi, taasina ay keentay in kulankii ay ku kala tagaan iyagoo aan is afgaran.

“Maxamed Aw Siciid inta uu soo galaya guriga madaxweynaha la doortay, ayuu haddana uu deg deg uga baxay, oo wakhti sidaa u badan kuma qaadan marka loo eego dadka kale ee la kulmaya madaxwyenaha cusub” Sidaa waxa yidhi xubin u warantay Cabays Media oo ka war helay in ganacasade Maxamed Aw Siciid uu booqasho ugu tagey madaxweynaha cusub oo wadahadalo u dhaxeeyeen.
Isla maanta ayaa wafti aan la filayn oo dalka Djibouti ka yimid uu si kadis ah u yimid Hargeysa, kaas oo sheegay in ay ka soo horeeyeen xiligii caleemo saarka madaxweynaha la doortay, inkastoo ay ku sharaxeen socdaalkood mid jaarimo, walatinimo.

Xiligii ololaha ayaa la sheegay in xukumada Djibouti damacday in ay taageerto musharaxii xisbiga Waddani, hase ahaatee xubno badan oo xukumada Djibouti ku jira oo xidhiidh dhow la leh madaxweynaha ladoorttay ayaa ku qanciyey madaxweynaha Djibouti in ay taageeraan MBC oo ay iyagu ku kalsoon yihiin in ka heli karaan fulinta arimaha kaga xidhma dhanka Somaliland,

Halkan hooser ka daawo muuqaalka waftiga iyo arimaha ay ka hadleen,

COMMENTS