CABAYS.COM
Welwelka Qaramada Midoobay Ka Qabto Colaada Somaliland Iyo Putland Ee Tukaraq Oo Beyaan Ka Soo Saaray
June 8, 2018 - Written by Cabays

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu shalay yeeshay lagaga hadlay colaadda ka aloosan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya isku hor fadhiyaan kadib dhawr dagaal oo ka dhex dhacay sanadkan.

Golaha ammaanka oo laga akhriyay bayaan uu soo saaray hoggaanka goluhu waxay dhammaan dalalka xubnaha ka ah isku raaceen in degdeg loo joojiyo colaadda Tukaraq, islamarkaana ciidamada la kala qaado.

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo Somaliland in labaduba ay ciidamadooda kala qaadaan, isla markaana joojiyaan hadalada xanaftaleh oo ay warbaahinta isu marinayaan si looga fogaado in lasii huriyo colaada, una ogolaadaan in mucaawinada la gaadhsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan.

Golaha ammaanku wuxuu ka walaacsan yahay dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Sool. Golaha Ammaanku wuxuu dhinacyada ku boorrinaya in si aan dib u dhac lahayn loo fuliyo arrinta ka go’an bahwadaagta caalamka ee ah in si dhakhso ah colaadda la joojiyo. Taas oo ay ku jiraan hadallada ama ficillada sii kicin kara xiisadda, waxa kale oo dhinacyada lagu boorrinaya in ay ciidamada kala qaadan oo wada hadal bilaaban,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanku waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo oo uu sheegay in xiisadda Tukaraq uga sii darayso duruufaha awalba taagna waxaanu ku baaqay in dhinacyadu si degdeg ah u ogolaadan gargaarka bani’aadanimo si badqab iyo fududayn leh.

Golaha ammaanku wuxuu sheegay in uu ixtiraamayo midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana ka digayo culaysyo kasta oo gudaha iyo dibadda ah oo curyaaminaya dadaallada nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaanu bahwadaagta Soomaaliya la shaqaysa ugu baaqay in laga hor taggo arrimaha kala qaybinaya Somalia ee curyaaminaya dadaallada beesha caalamka. Hadalkan ayaa u muuqda mid ku socda dalalka Khaliijka oo faro gelin ku leh Soomaaliya, islamarkaana maamul goboleedada iyo xukumadda dhexe la kala safan yihiin.

Geesta kale waxa shalay madaxweynaha Soomaaliya la kulantay kaaliyaha siyaasadda ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Rosemary Dicalro waxaanay sheegtay socdaalkeeda oo ah kii u horeeyay in uu marag u yahay sida ay Somalia muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay. Waxay sheegtay in ay Farmaajo ka wada hadleen arrimaha ammaanka, tadawuraadka siyaasadda, dib u habaynta dastuurka iyo arrimo kale waxaanay la kulantay saraakiisha Midawga Afrika.

Source:- Voicing Concern over Fighting in Somalia, Security Council Presidential Statement Urges Parties Cease Hostilities, Allow Unhindered Humanitarian Access

COMMENTS