CABAYS.COM
Xaalada Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya + Cabdi Cumar Ilay oo ku dhawaaqay in ay ka go’ayaan Itoobiya!
August 4, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Jigjiga- DDSI) Xaalada wararkii ugu dambeeyey ee caasimada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay duntay dawladii deegaanka ee uu hogaaminayey Cabdi Maxamuud Cumar ka dib markii uu xalay kulan deg deg ah oo uu iskugu yeedhay saraakiisha ciidamada Liyo Booliska, xubno golihiisa wasiiirada iyo kuwo golaha baarlamanka deegaanka uu u sheegay in amar lagu siiyey in ay isaga iyo madaxda DDSI ay isku soo shubaan Addis Ababa si loogala hadlo xaalada deegaanka ee kaciran. taas oo uu u arkay in ay ahayd inqilaab lala doonayo.

Madaxweyne Cabdi Cumar Ilay ayaa la sheegay in uu shalay amray in kumanaan ka mid ah ciiddamada Liyu Booliska ee kala jooga degmooyinka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) in ay soo galaan magaalada Jigjiga oo difaacaan.

Cabid Cumar Ilay ayaala sheegay in uu ku hanjabay in deegaanka DDSI uu ka go’ayo Itoobiya, isla markaana aanu aqbalayn amaraadda Dr. Abiya Axmed oo uu u arko nin Oromo ah oo ay Soomaalida is hayaan.

Diidmada Cabdi Cumar Ilay in uu Addis Ababa yimaad iyo ciidamada Liyu Boolis oo u ciidan ahaan isku difaacayo oo uu Jigjiga iskugu keenay, iyo in uu ku hanjabay in DDSI  ay ka madax-banaanaandoonto Itoobiy intee kale ayaa taliska guud ee ciiddamada milatariga Itoobiya lagu amray in ay deg deg uga hor tagaan xaalada khilaafka oo sii xumaata iyo in Cabdi Ilay ku dhawaaqo ka go’itaan Itoobiya ah, waxaana magaalada Jigjiga saaka waabarigii lagu soo daayey ciidamo xoog u gaashaaman kuwaas oo qabsadday madaxtooyadii Cabdi Ina Ilay, Xarunta Qaryaan Dhoodaan oo xarun u ah golaha baarlamanka DDSI .

Cabdi Ilay aya la sheegay in aanu xalay u hayan gurigiisii balse u hoyday guri aan la ogayn, saakana uu lagu arkay saldhig ciidmada Liyo Boolis ku lee yihiin oo ku yaal meel cidhif ah magaalada Jigjiga, halkaas oo ay sku gadaameen ciidamo badan oo Liyo Boolis ah oo ku hubaysan hub aan sidaa u weynayn.

Ciidama Federalka Itoobiya ayaa la sheegay in aanay raadsan Cabdi Ilay iyo goobta uu joogo, balse ujeedad ugu weyn ee ay halkaa u tageen ay tahayd in ay ka hortagaan kulan baarlamaan oo maanta dhici lahaa oo Cabdi Ilay doonayey in ay kaga dhawaaqaan in ay Itoobiya inteeda kale ka go’een. Taas oo ah go aan uu xalay bixiyey.

jig3

Jigiga: Dadweynaha ka caydhaysan ciidamada

jig4

Jigjiga: Xafiisyada la boobay

jig5

Jigjiga: Dadweyne buburinaya gaadiidka DDSI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale dadweyne xoog u taageersan Cabdi Cumar Ilay ayaa iskugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga, kuwaas oo gubaya taayaro, iyagoo ka soo horjeeda talaabada lagu riday xukumadii DDSI ee Cabdi Cumar Ilay.

Sidoo kale waxa isku soo baxay dad aad ugu ciilqaba burburka xukumada Cabdi Cumar, kuwaas oo boobay xafiisyada dawlada, jabsaday saldhiyada booliiska. Sidoo kale dad kale ayaa iyaguna gubay kiniisadii ugu weynayd ee ku taalay magaalada Jigjiga.

Xaalada Jigjiga ayaa aad u kacsan waxase dhanka kale magaalada Diri Dhabe ka socda kulana balaadhan oo ay iskugu yimaadeen madaxbadan oo hogaamiysa muraacid kala duwan oo Soomaali ah oo ka soo horjeeday.

Magaalada Diri Dhaba ayaa waxa ka socda kulano uu taageersan yahay Dr. Abiya Axmed oo lagu wado in ay laga soo saaro siyaasad cusub oo wax ka badasha DDSI, isla markaana lagu badalo hogaan cusub oo dadka Soomaalida deegaanku ay iska dhex aragto.

Xaalada ugu dambaysa oo hadda taagan waa mid dhalan rogaysa siyaasadii iyo hanaankii ka jiray deegaanka DDSI.

La soco wixii ka soo kordha wararkan

Jig6

Jigjiga: Ciidama Federalka Itoobiya oo ilaalinaya Xafiis DDSI

Jig1

COMMENTS