Dhaamka (dam) weyn ee Itoobiya u dhisatay si ay ugu weeciso biyaha ku dhaca wabiga Nile ee dalkeeda ka taga ilaa Sudan, ilaa Masar.Dhaamnka oo Itoobiya looga yaqaan Hidase Dam, ayaa ah mid sidoo kale dadka Reer Itoobiya iyo wadamada la dariska ah, sida Somaliland ay dadkood qaar badani maalgashadeen. Hidase Dhaam waa mid sidoo kale dhismihiisu u yahay dadka Reer Itoobiya darajo qaran oo ay caalamka ugu faanan, maadaama ingineerada dhisaya iyo cida gacanta ku haysaa ay wada yihiin Itoobiyaan. Waana rajada u muuqata in dalka Itoobiya helo tamar dhanka laydhka ama korontada ah oo ay isku filnaan ka gaadhaan, maadaama malaayiin Reer Itoobiya ah ay wali ku diirsasn yihiin shidashada xaabada, siiba markay noqoto cunto karsiga iwm.
Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa maanta oo bishu tahay 29 bisha lixaad ee sanadka 2020 u qabatay kulan khadka muuqaalka ah madaxda Masar, Sudan oo dhinac ah iy Itoobiya , waxaana la dhageysanayaa doodaha ay Masar iyo Sudan ku diidan yihiin in dhaamka Itoobiya buyaha ku weeciso, sidoo kale Itoobiya ayaa iyadana la dhageysanayey dooda ay kaga hortageyso cabashada Sudan & Masar oo u muuqada in ilaa iyo imika ay isku dhinac yihiin.
Qaramada Midoobay (UN) ayey Masar rabtaa in ay Qaraar ka soo saarto ay ku hakiso dhaamka Itoobiya oo 90% biyaha ay heshaa uga yimaadaan. Sudan ma ogola in Itoobiya ay biyaha ku weeciso iyadoo aan Masar lagala heshiin durdurka Nile-ka oo ay ka baqayso in uu biyaha ka dhimayo, iyaga iyo Masar, haddii ay Itoobiya bilowdo ku weecinta biyaha dhaamnakan wax-qaadka weyn.
Itoobiya waxay ku doodaysaa in biyaha Nile ee ka tagaa ay iyaduna baahi weyni u hayso si ay koronto uga dhaliso iyo in ay biyo gaadhsiin badan u hesho dadkeeda.Sidoo kalena aanay biyo qabashada Itoobiya aanay wax badan ka dhimayn biyihi gaadhi jiray Sudan & Masar. Dooda Itoobiya ayaa u muuqata in aanay ka dageyn dawlada Masar oo iyadu walaac weyn ka qabta saamaynta laxaadka leh ee u keeni karo biyo dhimis weyn oo uu keeno dhaamka Itoobiya.
Hidase Dam, waxa dhismihiisa la bilaabay sanadkii 2011-kii in biyo dhan 10,200,000 m3 (10 milyan & 2 boqol oo kun oo mitirik kuub) uu qabto, kaas oo loo adeegsan doono waraaab iyo biyo dhaliya korontada ama tamabrta laydhka.
Haddii xal laga gaadhi waayo dalka Masar ayaa laga baqayaa in ay isku dayaan in ay cirka ka duqeeyaan ciidamadeeda cirku, laakiin ilaa ay dal sida Sudan ama Eretria oo masaafad ahaan ku dhow halka uu ku yaal dhaamku ay Masar ka hesho taageero saldhig ay ka duulaan diyaaradaheedu, waxa ku adkaanaysa in ay in ka badan 3000 oo km oo dhaamku u jiro ay ka soo duulaan .ay diyaaradeheedu ka adkaanayso.
Masar waxa ka go’an in ay dhaamkaas si kasta isku hortaagto – Dawladaha Reer Galbeedka ayaa aa hadda diblamaasiyada meel dhexe ah ku abaaraya arinka, halka wadamada dariska la ah Itoobiya & Masar, sida Sudan iyo kuwa Geeska Afrika iyaguna aanay dhana muujin icda ay raacsan yihiin, marka laga reebo dawlada Soomaaliya oo aan waxba ku tari karin Masar oo dhawaan warqad sir ah laga helay oo ay Masar ku wargalinayaan in ay iyada taageersan yihiin arinka dhaamka.
Hase ahaatee, Masar & Itoobiya waa col iyo nabad u joog, hoos baa dhinac walba uga diyaar garoobayaan, weerar iyo difaac, af iyo adin.Waxana socda talaabooyin labada dhinac ku mid waliba ku doonayo in u helo garowshiyo caalami ah. Ilaa hadd hadalada ay is weydaarsanayaan waa kuwo aan dagaal adiin ah sheegayn, si cad.
Haddii dagaal dhex maro Masar & Itoobiya, waxa uu tijaabo weyn ku noqonayaa dalalka saaxiibada dhow la ah labadaba, sida Maraykanka oo Itoobiya & Masar gaar isha ugu haya, dano siyaasadeed awgeed. Waxa aynu eegaynaa halka ay sal dhigaan doodaha Itoobiya iyo Masar.