CABAYS.COM
Xarunta Cilmu-Falagga Iyo La Socodka Meerayaasha Hawada Sare Oo Muddooyey Maalinta Ay Ramadaan Curanayso Wiigga Dambe
April 28, 2019 - Written by Cabays

Riyaad (Cabays Media)- Sannad walba dunida guudkeeda wakhtigan oo kale gaar ahaan dalalka Islaamku waxa ay wax iska waydiiyaan una diyaar garoobaan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyada oo dadku Arrimaha Ramadaan ka hadlaan wiigga ugu dambeeya Bisha Shacbaan sannad walba.

Xarunta Cilmi-falagga iyo La socodka Meerayaasha hawada sare waxa ay maanta oo Axad ah soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan in Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan badida dalalka Islaamka ay ka bilaabmi doonto Maalinta Isniinta ee Inagu soo aadan ee Bisha May Lixda tahay sida ay ku xaqiijiyeen war-saxaafadeed ay maanta ka soo saareen xaruntooda Magaalada New York.

Warbixintan oo ay shabakadda CABAYS MEDIA idiinka soo turjuntay wargeyska Al-QUDUS AL-CARABI, waxa ay intaasi ku daraysaa in Maxamed Cawda oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi Faladda Dunida oo warbaahinta la hadlayay maanta oo Axad ah waxa uu yidhi: “Bisha Shacbaan ee aan ku jirnaa badida waxa ay ka curatay dalalka Islaamka maalin Axad ah oo ay Bisha April ahayd 7, sannada 2019. Sidaa darteed dalalka adduunka intooda badan Bisha Ramadaan ee sannadda 1440 taariikhda Hijrigu waxa ay filan doonaan maalinta ay dhammaato Bisha Shabcaan oo ku beegnaan doonta maalin Axad ah oo Bisha May tahay 5-ta sidaa darteed maalinta xigta ee Isniineed ayay noqon doontaa maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan sanadda 1440 oo ku beegnaan doonta Isniinta Berri Isniinteeda wiigga dambe oo Bisha May tahay Lixda. Fiidnimada Isniintu soo galayso ayaa la filan karaa oo ay soo muuqan kartaa badida dalalka adduunka Bisha Ramadaan curashadeedu. Haddii ay hawadu saafi noqoto oo aanu wax caad ahi ku jirin waxa lagu arki karaa Isha caadiga ah oo in qalab lagu eego looma baahnaan doono”.

Maxamad Cowda oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Haddii Alle Ogolaado waxa la filan karaa In fiidnimada Isniintu soo galayso ee wiigga dambe dhalashada Bisha laga arki doono Magaalooyinka Jakarta oo Indonesia ah, Abu Dabay oo Imaaraadka ah, Makka Al Mukarama, Cammaan, Qudus, Qaahira Illaa Rabaat oo ah caasimadda waddanka Moroco. Waxaana si cad loogu arki karaa qalabka lagu eego meerayaasha hawada sare ee loo yaqaano Telescope kaasi oo ay haystaan hay’adaha saadaasa hawada iyo arrimaha meerayaashu sidoo kalena dadka caadiga ahi way arki karaan haddii aanu cirku lahayn wax qariya oo daruuro ah.

 

COMMENTS