CABAYS.COM
Xiisada Coladeed Ee Degaanka Tukaraq Oo Weli Cakiran Iyo Putland Oo Ciidamo Soo Dhoobaysa Tukaraq
June 26, 2018 - Written by Cabays

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegay in maagalada Qardho oo ka tirsan deegaannada  maamulka Puntland  in ciidamo loogu talo galay in ka qeyb qaataan dagaalka ka socda gobolka Sool gaar ahan deegaanka Tuke-raq ay ka soo baxeen halkaasi maanta.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey in ciidamadani maanta ka baxay deegaanka Qardho loogu talo galay in ay ka qeyb qaataan dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo muddooyinkii u danbeyey ka socday deegaanka Tuke-raq.

Xiisada colaaddeed ee u dhaxaysa maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa marba marka kasii dambeysa, wallow dhawr jeer  oo horre la sheegay in lagu guuldareystay jawi wada-hadal qorshuhu ahaa in laga dhex abuuro labada dhinac.

Dhinaca kale taliyaha la dagaalanka argagixisada maamulka Puntland General Muxuyadiin Awmuuse, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland ayaa  iyaguna maalinnimadii shalay  kusoo dhaweeyay aaga deegaanka Tuke-raq ciidan ay sheegen in ay yihiin keyd.

Dagaalo culus oo labo goor oo horre deegaanka Tuke-raq ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland waxaanu sababay dhimashada askar badan iyo burburka gaadiid iyo hanti dagaal.

Ugu danbeyntiina maaha markii ugu horeysay ee maamulka Puntland uu ciidamo ku soo daabulo aaga deegaanka Tuke-raq oo ka tirsan gobolka Sool hase yeeshee xukuumadda maamulkaasi Puntland ayaa iyadu ku adkaysanaysa dagaalka halka Somaliland ay iyana nabad ku baaqday tiraba dhowr jeer. Dagaal mar kale ciidamada Somaliland iyo  kuwa maamulkaasi Puntland ayaa laga cabsi qabaa in uu dib uga qarxo deegaanka Tuke-raq.

Xigasho Bariga Afrika 

COMMENTS