CABAYS.COM
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo wajahaysa xilka xayuubin ay dalbadeen xisbiga Jamhuuriga Maraykan
January 31, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Haweenayda Reer Somalia ee ku jirta Aqalka Congress ka Maraykan, Ilhaan Cumar, oo wajahaysa xaalad xil ka xayuubin kadib markii ay jeedisay hadal ay uga dan lahayd in ay ku muujiso sida ay uga soo horjeedo heshiiskii bisha 1aad ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ilhaan ayaa ah haweenay aan u fiirsan hadalada ka soo yeesha marka ay noqoto arimaha Somaliland.

Hadalkeeda oo ahaa mid ay ku sheegtay in ay difaacayso Somalia, kana difaacayso in “Biyaha Somalia la qaato” ayaa muuqaalka iyo hadalka ay jeedisay la wareejiyey baraha bulshada. Taas oo soo jiidatay garabka Xisbi Jamhuuriga (Republican) oo xisbigeeda isku lid yihiin, oo hadda ku qaadaya xeer hoosaadka Congress ka ee ah
Xeer ka la yidhaa ‘Rule XXIII, clause 1, which states: ‘a Member of the House shall behave at all times in a manner that shall reflect credibly on the House’ Oo ah xeer qeexaya in xubinta Congress ku yeesho mar walba dhawrsanaanta muujinaysa ayidsanaanta aqalka Congresska oo u taagan danaha Maraykan oo kali ah.
Xildhibaan Tom Emmer, oo xisbiga Jamhuuriga ama Republican ayaa sida jariirada Dailymail ku warantay u gudbiyey gudida Anshaxmarinta Aqalka Congresska in talaabo laga qaado Ilhaan Cumar, talaabadaas oo noqon karta in laga xayuubiyo xilka xubinimo.


Tom Emmer -Xildhibaan Xisbiga Jamhuuriga – (Republican) oo dalbanaya in Ilhaan Cumar xilka laga xayuubiyo

Ilhaan ayaa ku doodaysa in hadalkii ay jeedisay ee Af-Soomaaliga ahaa si khaldan loo badalay oo ay marka koobaad daacad u tahay dalka Maraykanka oo ay u dhaaratay.

Hase ahaatee dhan bulshada Soomaalida ayaa qaar badani ku taageereen hadalkeedii, inkastoo ay ku tiraabtay erayo gaf ku ah shacbiga Somaliland oo ay ku tilmaantay “Kuw sheegta Soomaali” Hadalkaa ayaa ka cadhaysiiyey dad badan oo kaga fal celiyey baraha bulshada. Waana halka ay Maraykana iyo dadyowga kale ka qaateen turjumida hadalkii Ilhaan oo ahaa weerar ay ula daln lahayd Itoobiya iyo Somaliland.

Warqada uu qoray Tom Emmer oo uu ku dalbaday in xilka laga qaado
COMMENTS