CABAYS.COM
Xisbiga Kulmiye Laantiisa Cardiff oo gudi cusub doortay kana gudbay caqabad hore
November 3, 2016 - Written by Cabays

Xisbiga Kulmiye Laantiis Cardiff oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay hadhayeen khilaafaad iyo loolan cidii hogaamin lahayd laanta gobolka Wales ee dalk UK ee ay casiamda u tahay magaalada Cardiff ayaa haantan ku soo gabogaboobay in taageerayaasha Kulmiye ee laantaasi isk uafgartaan cidii hogaamin lahayd.

Khilaafka ayaan inta aan la soo gabobayeyn la sheegay mid ay saamaynt ugu weyn ku lahaayeen madaxda xisbbiga Kulmiye ee xarunta dhexe ama hogaanka guud, siiba gudoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo la sheegay in doonayey in uu u soo magacaabo xubin ay isku hayb yihiin oo uu dusha kaga keenayey laantan iyo sidoo kale loolan u dhaxeeyey xubnihii hore ee laanta xilal uga soo qabtay iyo xubno cusub oo la jaan qaaday gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ilaa iyo intii uu musharaxa xisbiga noqday.

Hase ahaatee gudidii loo magacaabay xisbiga Kulmiye laantiisa Wales ayaa kala ah sidan:

Khadra Ibraahim Guuleed, Gudoomiyaha Laanta Cardiff
Mahdi Xasan Dalab, gudoomiye xigeenka 1aad, Axmed Muuse
Axmed Muuse, gudoomiye kuxigeenka 2aad

Faysal Ciise Geeljire, Xoghaya Laanta Wales

Aamina Jaamac, gudoomiyaha garabka haweenka
Yaasiin Ciise, gudoomiyaha abaabulka iyo wacygalinta
Kinsi Hayaan, gudoomiye xigeenka haweenka
Yaasiin Ciise gudoomiyaha abaabulka wacyegalinta
C/qaadir Jibuuti, Qasnajiga Laanta Wales
Xaa Cumar Siyaad, Xidhiidhiyaha Laanta
Cali Ciise Faarax Xadhigleh afhayeenka laanta Wales.

Sida Hadhwanaagnews ay u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gudida , waxa magacaabista gudidan ay horseed u tahay in dardar dib loo galiyo xisbiga Kulmiye oo taageero laxaadle ku leh guud ahaanba dalka UK, magaalada Cardiff na ay tahay magaalada aan xisbi kale ugu iman.

 

Xigasho Hadhwanaagnews

COMMENTS