CABAYS.COM
Xisbiga UCID ee Garabka Musharax Jamaal Cali Xuseen oo kulan balaadhan Ku Yeeshay London xilalna isku magacaabay
April 26, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-

 

Habeenkii Axdu so galaysay ee bishan Abril 23 keedii, waxa  xaflad balaadhan ku yeeshay magaalada London xubno xilal kala duwan ka haya Xisbiga UCID iyo taageerayaal mudo dheer xisbiga UCID ee UK ahaa, kuwaas waliba ahaa garabka musharax Jamal Cali Xussein iyo Gudoomiyaha 3aad ee UCID, Cali Guray.

Kulanku waxa uu ahaa mid hab-cusub oo aan hore looga baran dad siyaasada ku muransan u hadlaan looga hadlay, waxaana dadkii meesha ka hadlay ka sinaayeen ixtiraanka ay kula hadlayeen gudoomiye Faysal Cali Waraabe, hase haatee dhanka kale waxa ay difaacayeen musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, Goobta waxa laga akhriyey taariikhada sida garabka Jamaal UCID heshiis ula galeen, sidoo kale waxa laga akhriyey sharciga UCID iyo awoodaha gudoomiye Faysal oo ay sheegeen in ay kooban tahay.
Waxase arinka sii muujinaya in xisbiga UCID xilka qaadis iyo xil magacaabis ay dhan walaba ka socoto, caawa waxa gudoomiyaha Xisbiga UCID ee UK lagu doortay kulankan oo ka dhacay Galbeedka London, Cabdi Cali Qawdhan (Abdi Ali Qawdhan) oo hore u ahaa gudoomiyaha abaaulka ee UCID UK, oo dhawaan garabka Faysal sheegay in xilkii laga qaaday!
Kulankan ayaa waxa uu yimid todobaad uun ka dib markii Bariga London sidan oo kale xaflad lagu qabtay uu Gudoomiye Faysal ku shaaciyey magacaabista Xoghaye Guud, halka uu gudoomiyaha UK si ku meel gaadh ah sheegay in uu magacaabayo Idiris Xubiin oo uu sheegay in uu “Ku soo xidhay xisbiga dad cusub oo bari ah” Sida uu sheegay Gudoomiye  Faysal Cali Xuseen.
Wali reer UCID kama dhadhawa, dhoola tuskuna kulankan waxa aad dareemaysay in Xisbiga Ucid loolankiisii tabo sharci daliishi, muujin ixtiraan iyo difaacid heshiisyo 4 sano jiray iyo waliba baaqis midnimo xusbi goobtan ay isku dayayeen in ay arinkooda ku meel marsadaan garabkan difaacaya musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen iwm!

Halkan hoose ka daawo video-ga kulanka

COMMENTS