CABAYS.COM
Xisbiga WADDANI Oo Baaq Deg-deg Ah U Diray Madaxweyne Biixi
September 2, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud,  ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu wax ka qabato tabashooyinka jira, isla-markaana uu noqdo Madaxweyne dabacsan oo furfuran.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Arrinka saami-qaybsiga ee taagan waxaa masuuliyadeed iska leh oo wax ka qaban kara Madaxweynaha, maxaa yeelay saami-qaybsiga oo la sameeyo waa muhiim, cid walbana waa u muhiim, wax badana dawo ayuu ka yahay, xitaa Madaxweynaha waxaa la gudboonayd haddii aan Doorashada saami-qaybsi lagu galin karin doorkan inuu si toos ah ugu tago ama u qaabilo cidda wax tabanaysa, wax-garadkooda iyo odayaashooda, isla- markaana uu ku qanciyo, ta kale Madaxweynuhu inuu is dabciyo oo uu weji furnaan la yimaaddo, tabashooyinka jirana wax ka qabto weeye, Madaxweynuhu inuu hoos u eego xaaladaha dalka ka jira, oo dhibaatooyinka hadda taagan wax ka qabto weeye.” oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay.

COMMENTS