CABAYS.COM
Xisbiga Waddani oo madaxdiisii isku haysato cida gudoomiye ah – Uurcade oo dibada soo dhigay arin huursanaa
April 10, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media: – Doodaha xisbiyada JSL:

Waxa soo baxaya khilaafka ku saabsan xilalkii hore xisbiga Waddani ugu magacaabay C/qaadir Ismaaciil Jirde iyo xubno kale.
C/qaadir Jirde ooa hore shirweyne loogu doortay sandkii 2017kii  in uu noqdo hogaamiyaha ku-meel-gaadhka ah mudadii doorashada ka hor iyi ilaa intaa uu xisbigu qabsanayo shirweyne kale, ayaa ilaa hadda aan si rasmi ah loogu wareejin hogaaminta Xisbiga Waddani.

Hadda waxa soo baxaya in xisbga Waddani hogaankiisa sare usku hayaan xilalkii ay hore cod shirweyne ku shaaciyeen. Sida uu maanta muujiyey Xogahaya Guud ee xisbiga Waddani,Maxamuud Cabdilaahi -Uurcade. oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wixii ka dambeeyey doorashadaii dabayaaqadii sanadka 2017ka oo Xisbiga Waddani u ahayd tii ugu horaysay ee madaxtimimada dalka Jam. Somaliland uu ugu tartamo, waxa la sheegay in xisbigu huursanayey khilaaf dhawr arimood ku aroora, Waa ta koobaade cida hogaamiyaha rasmiga ah ee X. Waddani yahay, maadaama Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde shircweyne isaga iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan loogu kala doortay hogaamiyeyaal aan la kala cadayn shaqadooda iyo wali gudoomiyihii ugu horeeyey ee noqday musharaxa xisbiga, C/raxmaan C/laahi Cirro oo guul daradii kad isagana la sheegay in uu damac ka galay in uu sii hayo xilkii uu hore u sheegay in uu hibeeyey C.qaadir Jirde.

Kjilaafka Xisbiga Waddani ee maanta dibada u soo baxay waxa la sheegay in uu ahaa mid huursanaa, madaxda xisgibgaasina ay aad iskugu dayday in aan bulshadii xisbiga iyo shacbiga Somaliland dareemin. Hase ahatee hadalka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ee maanta ayaa daboolka ka qaaday in xisbiga Waddani wajahay khilaaf saamayn ku yeelan kara musharaxnimada C/raxmaan Cirro oo mar kale damacsan in uu isa soo sharaxo.

Maalmaha soo socada ayaa ay kala cadaandoontaa heerka khilaafkan la filayey oo hore loogu naanaysay in Xisbiga Waddani xubno Kulmiye ka soo baxay iyo kuwo hore UDUB u ahaa uu ku taxay xilal loo bixiyey “Waraabe-utaag”.

Ilaa imaka waxa aynu ognahay in xisbiga Waddani lee yahay 3 hogaamiye iyo laba musharaxnimo u taagan, inakstoo haddana doorashadii ay u sharaxnaayeen la soo dhaafay.

A Jirde

Taageerayaal badan ayaa is weydiinayaa in mudane C/qaadir Ismaaciil Jirde xilkii kumeel gaadhka ahaa ma ‘Waraabe u taag’ ayuu noqday mise sharciga xisbiga Waddani ayaa la jiifiyaa banaani ku jirtaa?

Halkan kala soco wararka ka soo kordha arimaha cusub ee Xisbiga Waddani.

Cabays Media

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS