CABAYS.COM
Xoghaya Saxaafadda Ee Xusbig UCID oo beeniyey in Gudoomiyahoogu doonayo in la badalo musharax madxaweyne ee xusbiga
April 11, 2015 - Written by Cabays

Hargeysa – JSL ( Cabays Media): Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UICD mudane Yuusuf Kayse C/laahi ayaa xog warran kooban oo uu siiyay Mareegta Togaherer ku beeniyay War lagu baahiyay shabakad ka tirsan warbaahinta Somaliland kaas oo sheegaya in gudoomiyaha Xisbiga Ucid uu Maalinta Axadda uu shaacinayo in la baddalayo murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen .

Xogahaya oo arntaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan Shacbiga Reer Somaliland U Cadeenayaaa In Murashaxa Madaxweyne ee UCI Uu yahay Jamaal Cali xuseen taana aanu muran Iyo madamadaw gali karin ”

Gudoomiye Fayasal Cai Xuseen (Cali -waraabe) oo London ku sugan ayaa la sheegay in uu maalmahan ku hawlanaa qabashada shirjaraa’id o uu sheegay in uu arimo badan kaga hadlayo. Hase ahaate si toosa loogama soo xidgan in uu ku dhawaaqayi in musharaxnimda madaxweyne iyo xigeenka uu kaga hadlayo, hase ahaatee xubno la soo xidhiidhay Cabays Media ayaa sheegay in Faysal laga so xigtay in uu doonayo in uu xisbiga soo galiyo wasiirka arimaha dibada, Maxamed Biixi Yoonis, oo ilaahani sheegeen in wada hadal u socday. Dhanka kale waxa magaalada Birmingham ee dalka UK aya koox odayaal ah oo miisaan ku leh xusbiga UCID ay sidoo kale uga yimaad een magaaladaas in ay kala hadlaan Faysal wararkan so baxaya, waxayna kulan kula qaateen maanta hutelka uu ka degan yahay galbeedka London, siiba xaafada Wembley.

Xog

Xoghaya saxaafada ayey kaliftay in uu ka jawaabo warar la isla dhexmarayo oo xusbiga dhaawac ku ah

 

 

 

 

 

 

 

Waana sobobta keentay in xoghaya saxaafada ee xsubiga UCID in uu ka jawaabo wararkan, meeshan ka saaro in khilaaf musharaxa iyo gudoomiyuhu uu ku doonayo in uu ku badal. Sidoo kale Cabays Media oo kula xidhiidhay khadka Faceboo ga musharax Jamaal Cali Xuseen, ayaa u sheegay in aanu ogayn wax isbdal ah oo xagiisa ka yimid iyo cid la sheegayo in lagu badalayo musharxnimadiisa, hase ahaatee waxa uu sheegay in cida uu golaha dhexe ee UCID u codeeyey musharaxnimadooda ay yihiin isaga iyo ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan Mataan.

Sidoo kale warka UCID ayaa sheegaya in bar yahan xusbigu yeeshay dardar cusub, marka la eego xafladaha uu ku qabsasay magaalooyinka kala duwan ee Yurub oo ay ugu dambaysay tii Bristol oo awal ahayd magaal u oodnayd xusbiga Kulmiye.

La soco wixii ka so kordha warkan.

Cabays Media staff

London, UK
editor@cabays.com

COMMENTS