CABAYS.COM
Xukuumadda Somaliland Ayaa Maanta Albaabada Isugu Dhufatay Shir Aan Ujeedadiisa La Fahmin Oo Lagu Qabanayay Jaamacadda Hargeysa
July 22, 2019 - Written by Cabays

CabaysHargeysa- JSL (Cabays Media) – Xukuumadda Somaliland waxa ay gabi ahaanba maanta joojisay shir lagu tilmaamay in uu ahaa Shirweynaha Dhallinyarada Soomaalida oo ay soo qaban qaabiyeen koox dhallinyaro ahi kaasi oo ay fududaynaysay Jaamacadda Hargeysa.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola shirkan maanta xukuumaddu mamnuucaday oo ciwaankiisu ahaa  “Shirweynaha Dhallinyarada Soomaalida” sida qorshuhu ahaa waxa uu ka qabsoomi lahaa Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Hargeysa oo saacadihii ugu dambeeyey gabi ahaanba xukuumaddu albaabada isugu dhufatay.

Wariye ka tirsan Telefishanka Horyaal TV oo booqasho ku tagay Jaamacadda Hargeysa ayay ilo-xog ogaal ahi u xaqiijiyeen in ay xukuumaddu shirkan baajisay Gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyada oo aan rasmi ahaan loo ogayn sababta keentay in wakhtigan la joojiyo iyada oo muddooyinkii dambe oo dhan hawsha qabashada shirweynahani soo socotay sidoo kalena ay ku casuunaayeen oo ay dadka shirkaasi ka qayb galaya ka mid ahaayeen wasiirro xukuumadda ka tirsani.

Sida ku cad Mareegta internet-ka ee shirweynahan ujeedadiisu waxa ay ahayd ka faa’iidaysiga fursadaha, Layli-shaqo iyo guud ahaan horumarinta dhallinyarada waxaana furtitaanka shirka ku qornaa sida jadwalka shirka ka muuqata wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, sidoo kale wasiirkii hore ee Macdanta iyo Tamarta Xukuumaddii Siilaanyo Xuseen Cabdi Ducaale, masuuliyiin isugu jira ururradda Bulshada iyo aqoonyahanno kale, waxaana sidoo kale Mareegta ajandaha shirkan ka muuqda in ay fikirka Mashruucan aasaastay haweenayda lagu magacaabo Saamiya Cabdirisaaq balse aan la ogayn wax ay xukuumadda Muuse Biixi ka urisay wakhtigan.

Sida ay ilo-xog ogaal ahi Shabakadda Cabays u sheegeen Shirkan hore ayay xukuumaddu ogolaanshihiisa u bixisay lana socotay dhaqdhaqaaqiisa ayaa waxa is waydiin mudan sababta ay xilligii furitaankiisa u joojisay.

Xidhiidh aanu la samaynay laamaha dawladda ee ay khusayso arrintan ayaa gebi ahaan ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan  inkasta oo Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex sheegay in ay dhawaan ka hadli doonaan sababta ay shirkan u joojiyeen.

Halkan Ka Akhriso Ajandaha Shirka:

https://www.somaliyouthsummit.com/?fbclid=IwAR2X0c92p1jYXcI15z7mflvQSj6cRGx8kPC3RvKU3eZSn83OscbkDk2zH30

COMMENTS